Faah-faahino dheeraad ah ayaa laga helaya howl-gal culus oo maanta ay ciidamada qaranka oo isugu jira Booliska gaarka ah ee Haramcad, kuwa xooga dalka iyo ciidanka nabad-sugida iyo sirdoonka qaranka ay ka fuliyeen aagga Jilib Marko ee Shabeellaha Hoose.
Howl-galkan ayay ciidamada waxay si wada-jira gudaha ugu galeen deegaano dhowr ah oo ku yaalla dhulka howdka ah ee u dhaxeeya deegaanka Jilib Marko iyo Buulo Nagey.
Ciidamada ayaa bur-buriyay fariisimihii kooxda Al-Shabaab ee deegaanada ku yaalla dhulka Howdka ah ee kala ah Macalin Yuusuf, Nafaqow iyo deegaano kale.
Dowladda Soomaaliya ayaa maalmihii dambe xoojisay dagaalka ka dhanka ah Shabaab, iyada oo maalmihii ugu danbeeyay ciidamada iyo shacabka oo is kaashanaya ay la wareegeen in ka badan 20 deegaan oo kooxda ay horay u joogtay.
Gulufka dagaal ee ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa tan iyo markii uu billowday waxay kooxda ku weysay gacan ku haynta degmooyin iyo deegaano muhiim ah, kuwaasi oo qaarkood ahaayeen saldhigyo muhiim u ah kooxda.
Si kastaba, waxaa heer geba-gebo ah maraya wejiga hore ee dagaalka Shabaab, oo hadda dhameystirkiisa la dardar-gelinayo, si loo guda-galo wejiga xiga oo ka xoog badnaan doona kan hore.
Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa
Waxaa laga cabsi qabaa in dagaal cusub uu ka dhex qarxo dowladaha Ereteriya iyo Itoobiya, kuwaasoo maalmihii u dambeeyay ciidamo ku daabulayay deegannada u dhow xadka ay wadaagaan. Madaxweyne ku
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa xalay ku booqday isbitaalada Xooga dalka iyo isbitaalka Erdogan dhaawacyada Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka ee ay waxyeelladu ka soo gaartay dagaalka lagula
War saxaafadeed kasoo baxay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka ay fuliyeen howlgal duqeyn ah oo si gaar ah loo qorsheeyay, kaas oo lagu