Home Wararka Maanta Halka lagu Qabanaayo Doorashada Gudoonka Golaha Shacabka oo la Shaaciyay

Halka lagu Qabanaayo Doorashada Gudoonka Golaha Shacabka oo la Shaaciyay

0

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Guddoonka Golaha Shacabka Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa shaaca ka qaaday goobta la qorsheeyey in lagu qabto doorashada guddoonka golaha shacabka.

Cabdirisaaq ayaa sheegay in Shaqadii loo igmaday ee doorashooyinka Guddoonka intooda badan ay soo geba-gabeeyeen, isaga oo intaas ku daray in dhamaan musharrixiinta guddoonka Golaha Shacabka ay khudbadahooda musharraxnimo jeediyeen, wuxuuna xusay in shaqada hadda harsan ay tahay in la qabto doorashada guddoonka.

Guddoomiye Cabdirsaaq oo Warbaahinta la hadlay wuxuu sheegay in doorashada Guddoonka Golaha Shacabka laga bedelay halkii ay ka dhici laheyd ee Xarunta Villa Hargeysa loona bedelay hoolka Afisiyooni.

Sababta looga badalay Villa Hargeysa ayuu ku sheegay inay tahay in munaasabadda ay kasoo qeyb geli doonaan mas’uuliyo badan sidaas darteedna loo baahan yahay meel wada deeqi karta sida uu hadalka u dhigay.

Dhawaan ayuu guddoomiyaha sheegay in kulamadii ugu dambeeyey ay xarunta ka dhaceen falal amni darro sida hoobiyeyaal lagu soo tuuray dhismaha Villa Hargeysa, xilli uu socday kulanka Baarlamaanka iyo shalay oo ay ugu dambeysay oo xabad ay ku dhacday Qaboojiyaha.

Ad
Previous articleInka Badan 100 Ruux Oo Ku Dhimatay Qarax ka Dhacay Gobalka IMO
Next articleHoobiyeyaal Lagu Garaacay Owdhiigle iyo Khasaaro ka Dhashay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here