Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in meydka Allaha u naxariistee wasiir Khadiija Diiriye Maantay loosoo qaadi doono magaalada Muqdisho, si halkaas loogu sameeyo aas qaran.
Guddi uu hoggaaminayo ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa loo xil-saaray qaban qaabada aaska qaran ee loo sameynayo wasiir Khadiija.
“Khadiijo door firfircoon ayey ka soo qaadatay dhismaha dowladnimada Soomaaliya, dowladda oo qirsan in waqtigeedii ugu badnaa ay u soo hurtay qarankaan waxay go’aansatay in dib loogu celiyo Muqdisho, si aas qaran loogu sameeyo marxuum Khadiija Diiriye,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Soomalaiya.
Wasiir Daa’uud ayaa sheegay in Marxuum Khadiija ay ku jirtay madaxdii Soomaaliyeed ee lagu casuumay shirka Heritage ee Jabuuti ka socda, balse ay xanuunsatay, kadibna la dhigay isbitaal.
“Markii aan ka soo degnay garoonka diyaaradaha ee magaalada Jabuuti ayey xanuunsatay, isbitaal ayaa la dhigay, dadaal badan ayaa la sameeyey, qaliin yar ayey martay, balse amarkii Alle ayaa maanta dhacay oo ugu dambeyn waa ay geeriyootay,” ayuu yiri wasiir Daa’uud Aweys.
Waxaa la sheegay inay ifka uga tagtay lix qof oo ay dhashay, 12 jeer ayey soo noqotay wasiir, waxayna aheyd qof laga jecelyahay siyaasadda Soomaaliya.