Home Wararka Maanta Dowlada Maleesiya oo Fal Loogu aargudaayo Reer Falastiin ku Qaaday israail

Dowlada Maleesiya oo Fal Loogu aargudaayo Reer Falastiin ku Qaaday israail

0

Dowladda Malaysia ayaa soo saartay awaamiir ay dalkeeda kaga mamnuuceyso shirkadda maraakiibta Israel ee ZIM.

Bayaan ka soo baxay xafiiska ra’iisal wasaaraha Malaysia, Anwar Ibrahim ayaa lagu sheegay in xayiraadda degdegga ah ee lagu rogay shirkadda maraakiibta ee ZIM ay jawaab u tahay ficillada Israel ee ka dhanka ah shacabka Falastiiniyiinta ee ku nool Marinka Gaza.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in Israel ay xasuuq ku hayso shacabka Falastiiniyiinta, isla-markaana ay ku xadgudubtay mabaadi’da aasaasiga ah ee bani’aadantinimada.

“Mamnuucidda ayaa jawaab u ah ku xadgudubka Israel ee mabaadi’da aasaasiga ah ee bani’aadantinimada iyo shuruucda caalamiga ah ee ku aaddan xasuuqa joogtada ah iyo naxariis darada ka dhanka ah shacabka Falastiiniyiinta,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Bayaanka ayaa lagu xusay in Golaha Wasiirada Malaysia ay sanadihii 2002-2005 ay u ogolaadeen shirkado ka diiwaan-gashan Israel inay ku soo xirtaan Malaysia, go’aamadaas oo hadda la laalay.

“Dowladda Malaysia ayaa go’aansatay in aysan aqbalin in maraakiib ka babanaya Calanka Israel ay ku soo xirtaan dalkeeda,” ayaa lagu sheegay bayaanka.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in Xukuumadda Kuala Lumpur ay xayiraad ku soo rogtay markab kasta oo u socda Israel in shixnadiisa ka soo dejiyo Dekedaha Malaysia, si isagoo faaruq ah uu ugu socdaalo Israel.

“Waxaa intaas dheer in markab kasta oo u socda Israel inuu shixnadaha ku soo dejiyo Dekedaha Malaysia,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in Kuala Lumpur ay ku kalsoon tahay in go’aankeedaan aanu wax saamayn ah ku yeelan doonin ganacsiga caalamiga ah.

“Malaysia waxay ku kalsoon tahay in go’aankani aanu saamayn doonin dhaqdhaqaaqyada ganacsiga ee socda,” ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay Xafiiska Ra’iisal Wasaare Anwar Ibrahim.

Shirkadda ZIM oo fadhigeedu yahay Magaalada Haifa ee Israel ayaa ah shirkad xamuul oo caalami ah, iyadoona lagu tilmaamo mid ka mid ah labaatanka shirkadood ee ugu sarreeya dunida, marka ay noqoto xamuulka badda.
Ad
Previous articleDowlada Soomaaliya oo Shaacisay inay Dishay Macalin Adan oo 10 milyan oo Dollar lagu Radinaayay
Next articleHalka Lagu aasaayo Wasiirad Khadiijo maxmed Diiriye oo la shaaciyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here