Home Wararka Maanta Hadal Jeedinta Musharixiinta Madaxweynaha 10aad ee soomaaliya oo Goordhow Bilaabanaysa iyo Wararki...

Hadal Jeedinta Musharixiinta Madaxweynaha 10aad ee soomaaliya oo Goordhow Bilaabanaysa iyo Wararki ugu Danbeyey

0

Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho waxaa si rasmi ah uga bilaabaneynsa hadal-jeedinta musharixiinta madaxweynaha, iyada oo maanta khudbadadooda la dhageysan doono illaa 20 musharrax oo ka mid ah 39 is-diiwaangeliyey.

Musharixiinta hadlaya ayaa la siiyey min 15 daqiiqo, si ay uga warramaan taariikhdooda, barnaamijkooda siyaasadeed iyo ballan-qaadkooda ku aadan, haddii xilka loo doorto.

Ammaanka xerada ayaa si weyn loo adkeeyey, iyada oo lagu wareejiyey ciidamada howlgalka ATMIS, ex AMISOM si ay u sugaan amniga inta ay socota doorashada.

Afhayeenka guddiga isku dhafka ah ee doorashada madaxweynaha, Mudane Maxamed Ibraahim Macallimu oo la hadlay Wariyeyaasha ayaa ka dalbaday xubnaha musharixiinta ah inay waqtiga ilaaliyaan, isla-markaana ay goor hore gaaraan gudaha xerada Afisyooni.

“Waxaa billaabaneysa hadal jeedinta musharixiinta oo ka dhaceysa teendhada Afisiyooni, musharax weliba waxaa loo qorsheeyay 15 daqiiqo, qof weliba waa in uu ilaaliyaa waqtiga uu ku qoran yahay, waxaana aad u muhiim ah oo qof weliba lagula xisaabtamayaa waqtigaas” ayuu yiri xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimu oo ka tirsan guddiga.

Sidoo kale qaybta labaad ee hadaljeedinta ayaa dhaceyso beri oo Khamiis ah, kuna beegan 12-ka May, waxaana khubadahooda jeedinayo madaxdii hore oo uu ku jiro Farmaajo

Ad
Previous articleWeriyihii Aljazeera ee Daanta Galbeed Shariin Abu Caqiil oo la Dilay Xili War Toos ah Tabinaysay
Next articleDeg Deg: Qarax Xoogan oo Goordhow Ka Dhacay Muqdisho