Home Wararka Maanta Habraaca Loo Marayo Xalinta Khilaafaadka Doorashada Aqalka sare oo La shaaciyay

Habraaca Loo Marayo Xalinta Khilaafaadka Doorashada Aqalka sare oo La shaaciyay

0

Guddiga Xallinta Khilaafaaadka Doorashada Dadban (GXKHDD) ee 2020/2021, asagoo fulinaya Habraaca Hirgelinta Heshiiska Siyaasadeed ee Hagaya Doorashada dadban 2020/2021 ee heer Federal, gaar ahaan Habraaca lagu dhisay Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada Dadban ee soo baxey 1-da Oktoobar 2020, kaasoo awood sharci ah u siinaya Guddiga Xallinta Khilaafaaadka Doorashada Dadban eegista iyo go’aaminta muranada lagu diido go’aanada ay gaareen Guddiyada heer federal iyo heer Dowlad gobaleed ee ku aadan codbixiyaasha iyo murashaxiinta u tartamaya mid ka mid ah labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Guddigu wuxuu la wadaagayaa Musharaxiinta iyo Codbixiyaasha Aqalka Sare Habraaca Xallinta Khilaafaadka Doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Shuruudaha Cabashooyinka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya:

Waxaa cabasho u soo gudbinsan kara Guddiga Xallinta Khilaafaaadka Doorashada Dadban;

1- Murashax soo buuxiyay Shuruudaha Musharaxnimada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee ku xusan Qodobka 58 aad ee Dastuurka ku-meel gaarka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Sharciyada kale ee Hagaya Doorashada Dadban ee 2020/2021 loona diiwaan galiyay u tartamida Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11aad Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

2- Waxaa kaloo cabasho u soo gudbin kara Guddiga Xallinta Khilaafaaadka Doorashada Dadban Xildhibaanada Dawladaha Xubnaha ka ah Dawladda Federaalka Iyo xubnaha Ergada loo xulay in ay u codeeyaan tartamayaasha Aqalka sare ee Somaliland oo ay si toos ah u saamayso xadgudubyada ka dhasha maamulka doorashada.

3- Waa in uu codsi qoraal ah u soo gudbiyaa Guddiga Xallinta Khilaafaaadka Doorashada Dadban, soona buuxiyaa foomka diiwaan galinta cabashada xallinta Khilaafaadka Doorashada Aqalka Sare.

4- Waa in uu bixiyaa lacagta diiwaan galinta cabashada oo dhan 3,000 oo dollar (sedex kun oo dollar) kuna soo lifaaqaa galkiisa cabashada waraaqda cadeyneysa in uu ku shubay lacagta xisaabta bangiga loo asteeyay.

Haddaba intaas oo shuruud ah haddii uu soo buuxiyo qofka cabanaya, Guddigu wuxuu qadanaaya go’aanuu ugu garnaqayo cabashadaas muddo 7 malmood gudahood.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleCiidanka Galmudug iyo kuwa Dowlada oo maanta la wareegay Deegaano ay shabaabka heesteen
Next articleRa’isul wasaare Rooble iyo Madaxda Maamul Gobaleedyada oo Xalay Shir xasaasi ah yeeshay