Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa saaka booqday ciidmadi laga keenay dalka Ereteria ee ku jira xerada Goordan ee degmada Hodon.
Inkastoo aan saxaafadda loo ogolaan inay tagaan xerada haddana Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu ciidanka khudbad u jeediyey.
Ciidankan ayaa ah kuwii muranka badan ka taagnaa ee sannadaha ku maqnaa dalka ereteria oo markii madaxweyne Xasan Sheekh la doortay uu madaxweyne Farmaajo ku wareejiyey liiska ciidamadaas.
Ad