Home Wararka Somaliya Jubbaland Guri uu Daganaa Masul Ka Tirsana Jubland oo La Qarxiyay iyo Khasaaro...

Guri uu Daganaa Masul Ka Tirsana Jubland oo La Qarxiyay iyo Khasaaro Ka Dhashay

0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in xalay qarax lagu beegsaday guri uu daganaa sarkaal ka tirsan ciidamada ammaanka ee maamulka Jubbaland, kaas oo geystay khasaare leh dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa oo ahaa mid culus ayaa ka dhacay xaafadda Siinaay ee magaalada Kismaayo, gaar ahaan halka loo yaqaano Todobada Geed, waxaana la sheegay in guriga loogu xiray Abaanduulihii hore ee ciidamada Jubbaland, kaas oo magaciisa lagu soo koobay Raamsade.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa oo ahaa miino lagu dhajiyey darbiga dambe ee guriga, xilli ay ku sugnaayeen sarkaalka iyo xubno ka mid ah qoyskiisa.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa noo Xaqiijiyey u sheegay  in gebi ahaan uu burburay guriga, waxaana ku dhintay qaraxa aar ka mid ah carruurta sarkaalka la beegsaday oo isaga iyo sidoo kale xaaskiisa ay dhaawacyo soo gaareen.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanke ee dowlad goboleedka Jubbaland, kuwaas oo xalay, illaa saaka howlgallo baaritaano ah ka wada halkaasi.

 

 

Ad
Previous articleAl Shabaab oo Shaacisay sabab yaab leh oo ay u weerareen Hotelka Xayaat
Next articleBeesha Caalamka oo Si adag u Canbaaraysay Weerarkii Hotel Xayaat

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here