Home Wararka Maanta Gudoomiyihii Somaliland ee Buuhoodle oo ciidamo iyo gaadiid dagaal la goostay (Sawirro)

Gudoomiyihii Somaliland ee Buuhoodle oo ciidamo iyo gaadiid dagaal la goostay (Sawirro)

0

Gudoomiyihii maamulka Somaliland u qaabilsanaa degmada Buuhoodle ee gobolka Ceyn Nasteex Maxamed Cabdile (Nasteex Tuur) ayaa maanta kala goostay Somaliland gaadiid dagaal iyo ciidamo fara badan.

Nasteex Tuur oo muddooyinkii dambe ku sugnaa magaalo madaxda gobolka Togdheer ee Burco, dagaalka socdana kala fikir ahaa maamulka uu hore uga tirsanaa ayaa mar kaliya fekerkiisa bedelay

Isagoo wata ciidamo iyo gaadiid dagaal ayuu Gudoomiye Nasteex Tuur u galay xoogaga SSC oo gobolka Sool oo ciidamada Somaliland kula jira dagaal.

Nasteex Tuur ayaa gaaray degmada Ceegaag isagoo Gaadiidka dagaalka ee uu kala goostay Somaliland oo gaaraya afar ku wareejiyay SSC-Khaatumo, wuxuuna shaaciyay inuu ku biiray xooggaga degaanka ee SSC, kana baxay Maamulka Somaliland.

“Intaa ka badana uma adkaysan karayo duulaanka Somaliland oo hadda noqday xasuuq isir sifeyn ah oo lagu hayo shacabka gobolka Sool” ayuu yiri Nasteex Tuur oo shacab isku soo baxay kula hadlay degmada Ceegaag

Waxaa uu si weyn ugu ololeyn jiray siyaasadda Somaliland ee ah in Magaalada Laascaanood ay qeyb ka tahay Somaliland.

Saraakiil iyo ciidamo ka goostay Somaliland ayaa horey ugu biiray ciidanka Jabhada SSC ee gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn, kuwaasoo qeyb ka noqonaya dagaalka Somaliland-diidka ah ee halkaas ka socda.

Ad
Previous articleCiidamada Beesha Warsangali oo Guud ahaanba Ka Baxay Soomaaliland kuna Biiray SSC Xili Dagaal Culus Xalay Ka Dhacay Laasacaanood
Next articleKacdoon Culus oo ka Dhan ah Muuse biixi oo Ka Bilowday Magaalada Boorama

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here