Home Wararka Maanta Gudoomiye Mursal oo La sheegay inuu ka Laabtay Go’aankii Lagu ganaaxay Xildhibaanada

Gudoomiye Mursal oo La sheegay inuu ka Laabtay Go’aankii Lagu ganaaxay Xildhibaanada

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa la filayaa in uu ka laabto 15-kii Mudane ee dhawaan muddo 5 kulan ah uu ka joojiyay inay ka qeyb galaan Kulamada Golaha Shacabka.

Wararka ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal iyo qaar kamid ah Xildhibaannada Mucaaradka uu dhex-maray kulan saacado badan qaatay ka hor Kulankii Maanta, isla markaana Mursal uu aqbalay in uu Go’aanka ka laabto.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Gudodomiyaha Golaha Shacabka uu soo sari doono qoraal kale oo Xildhibaannada loogu ogolaanayo inay ka qeyb galaan fahdiyada Baarlamaanka .

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa dhawaan uu dalabaday Ciidamo farabadan oo isugu jira Boolis & Nabadsugid si Xildhibaannada Kulamada uu ka joojiyay ay u celiyaan.

Ad
Previous articleMadaxweyne Qoor qoor oo Qado Sharaf u sameeyay Madaxda Konfur Galbeed iyo Hirshabelle (Sawiro)
Next articleMaamulada Puntland iyo Jubbaland oo Mar kale Madaxweyne Farmaajo Eedeeyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here