Home Wararka Maanta Gudoomiye Maxamed Deeyoo oo Fuliyay Sharadkii uu ku Galay Guusha Ciyaaryoyda Galmudug...

Gudoomiye Maxamed Deeyoo oo Fuliyay Sharadkii uu ku Galay Guusha Ciyaaryoyda Galmudug Arin layaab lehna Sameeyey

0

Guddoomiyaha degmada Boondheere ee gobolka Banaadir Maxamed Deeyoo ayaa galabta u qubeeyey Taallada Xaawo-Taako oo sharad uu ku galay hadii ciyaaraha gobollada laga badiyo HirShabeelle inuu dhaqi doono.

Dhawaan ayaa lasoo gabagabeeyey ciyaartii oo Galmudug ayaa qaaday koobkii, waxaana sidaas looga badiyey xulkii uu taageersanaa Deeyoo ee HirShabeelle, taas sababtay in galabta sharadii ka soo baxo.

Guddoomiye Maxamed Deeyoo ayaa u yeertay TV-ga Somali Cable, wuxuu tegay Taallada, waxaana muuqaalkiisa la baahiyey isaga oo u qubeynaya Xaawo-taako, arrinkaan ayaa hadalheyn badan ka abuuray baraha bulshada.

Ninkaan oo ka mid ah dhalinyarada sida weyn u isticmaasha baraha bulshada ayaa sheegay sababta ku kaliftay galabta inuu dhaqo oo nadiifiyo taallada Xaawo-taako oo ku taalla afaafka hore ee madaxtooyada qaranka.

“Markii hore waxaan taageerayey xulka gobolka Banaadir, markii laga badiyey waxaan hadana taageeray HirShabeelle, intii aan laga badin waxaan galay sharad ah inaan u qubey doono taallada Xaawotaako, markii xulkii aan watay laga raayey waan ku qasbanahay inay sharadda soo furo,” ayuu yiri.

Waxaa la weydiiyey sababta uu ku doortay inuu u qubeeyo Xaawo-taako, wuxuuna ku jawaabay, “Hooyo 3 jeer ayey ka xaq badan tahay Aabe, marka taalooyinka kale sida Sayidka, Dhagaxtuur iyo Axmed Gurey waxaa uga xaq leh Maamadaan oo seddax sano aan loo qubeyn.”

Maxamed Deeyoo ayaa aad u isticmaala baraha bulshada, waxayna isku xifaaleeyaan dhalinyarada kale oo qaarkood taageersanaa xulka guuleystay ee Galmudug, waxayna soo dhaweeyeen in guddoomiyuhu uu soo furay sharadii uu galay.

Mar la weydiiyey Deeyoo inuu ku dhibtooday shaqadaan, wuxuu sheegay inuu ka yimid qurbaha oo qof howl kasta uu qabsado, isagoo ku faanay in uusan waxaba u arkin taalada uu dhaqan iyo juhdiga uu bixiyey, Taallada Xaawo-taako ayaa ku taalla degmada uu Deeyoo guddoomiyaha ka yahay ee Boondheere.

Ad
Previous articleDowlada Soomaaliya oo Ka Hadashay Dhulka Dabdamiska oo la kicinaayo Beesha Sacad oo Dhawaan Xiisad Culus ka Taagnayd
Next articleDowlada Soomaaliya oo Dalka ka Mamnuucday Bacaha Qaar

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here