Home Wararka Maanta Gudoomiye Madaale oo Shacabka Gobalka Banaadir Baaq ku aadain Alshabaab

Gudoomiye Madaale oo Shacabka Gobalka Banaadir Baaq ku aadain Alshabaab

0

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa shacabka ku dhaqan caasimadda ugu baaqay in ay qeyb ka noqdaan dagaalka dalka looga saarayo kooxda Al Shabaab.

Yuusuf Madaale oo ka qeyb galay kulan lagu taageerayay howlgalka ka dhanka ah Al Shabaab ayaa sheegay in shacabka gobolka Banaadir looga baahanyahay in ay si wadajir ah uga qeyb galaan dagaalka lagu cirib-tirayo kooxda Al Shabaab.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in ganacsatada , odayaasha iyo dhallinyarada magaalada Muqdisho looga baahan yahay in doorkooda ka qaataan dagaalka ka dhan ah Al Shabaab, waxa uuna farriin hanjabaad ah u diray dadka ka cabsanaya kooxda Al Shabaab.

“Dadka kulamada looga arrinsanayo ka qeybgalka dagaalka lagu cirib-tirayo Al Shabaab aan imaan, ama ka dhuumanayo cabsi Shabaab awgeyd,waxaan tuseynaa in sida cadawaga ay uga cabsanayaan si lamid ah nooga cabsadaan,xabsiga ayana la dhigayaa” ayuu yiri Madaale.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleWararkii ugu Danbeeyey Xiliga Xasan Shiikh Tagaayo Degamada Maxaas
Next articleMW Chechnya oo wacad ku maray inuu hooyadii uga aargudayo Maraykanka