Home Wararka Maanta Gudoomiye Madaale oo Maantay Daahfuray Munaasabad lagu soo bandhigayay Qorshahaha Waxbarashada...

Gudoomiye Madaale oo Maantay Daahfuray Munaasabad lagu soo bandhigayay Qorshahaha Waxbarashada Gobolka Banaadir

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta daahfuray Munaasabad lagu soo bandhigayay Qorshahaha Waxbarashada Gobolka Banaadir ee 2022/2026.

Munaasabadaan waxaa goobjoog ka ahaa Wasiir Dowlaha Wasaarada Waxbarashada ee XFS, Xildhibaano ka tirsan Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha Bulshada Gobolka, Xoghayaha Guud ee Gobolka iyo Marti Sharaf kale.

Agaasimaha Waxbarashada Gobolka Banaadir Maxamed Yuusuf Nuur ayaa ka warbixiyay Qorshaha Horumarinta Gobolka Banaadir ee Sanadaha soo socda.

Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada Gobolka Banaadir Cabdicasiis Cismaan Maxamed ayaa ka codsaday Wasaarada Waxbarashada iyo hey’addaha deeq bixiyaasha ah in ay maamulka Gobolka ku garab istaagaan horumarinta Waxbarashada.

Ad
Previous articleAlshabaab oo Dalbaday Wadahadal kadib Dagaalo Badan oo lagu Jabiyay
Next articleSarkaal Sare Oo Ka Tirsanaa Ciidamada Dowlada oo Alshabaab u Fududeeyey inay Dilaal in Ka Badan Boqol Shacab oo Maxkamada Lasoo Taagay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here