Home Wararka Maanta Gudoomiye Madaale oo lagu Qasbay inuu Bixiyo Mushaarka Shaqaalaha Gobalka Banaadir

Gudoomiye Madaale oo lagu Qasbay inuu Bixiyo Mushaarka Shaqaalaha Gobalka Banaadir

0

Shaqaalaha gobolka Banaadir ayaa maalmahan wadnaha farta ku hayay , iyaga oo ka cabsanayay in gabi ahaan waayaan mushaarkooda bisha September , kaddib markii guddoomiyaha gobolka Banaadir dhawwaan shaaciyay in ciidanka loo weecinayo lacagtaasi.

Mushaarka shaqaalaha gobolka Banaadir oo inta badan la bixin jiray inta aysan bisha dhammaan ayaa walaaca kusii kordhiyay shaqaalaha, waxaana mushaarka inta badan shaqaalaha uu usoo dhacay shalay galab oo Talaado aheyd.

Sida aan xogta ku helnay ayna noo xaqiijiyeen shaqaalo katirsan maamulka gobolka Banaadir lacago kala duwan ayaa laga jartay shaqaalaha dowladda hoose, lamana shaacin inta ay dhan tahay isku geynta lacagta laga jartay shaqaalaha.

Lacagaha shaqaalaha hoose ee maamulka gobolka Banaadir laga jaray ayaa u dhaxeysa 100 dollar ilaa 50 dollar, lacagahan ayaana laga jartay shaqaalaha iyada oon lagu war-galin loona sheegin in lacagtaasi laga jaranayo mushaarkii ay xaqa u lahaayeen.

Dadka qaar ayaa aaminsan in lacagaha laga jaray shaqaalaha gobolka Banaadir kaliya lagu taageeray laguna garab istaagayo ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ee ka howlagalaya deegaannada uu kasoo jeedo Yuusuf Madaale.

Ad
Previous articleSafaaradda Itoobiya oo weerar culus lagu ekeeyay
Next articleWar Deg Deg ah:Dagaal Culus oo Kasocda Koonfurta Gobalka Mudug

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here