Home Wararka Maanta Gudoomiye Madaale oo ka hadlay Muhiimada ay leedahay Diiwaangelinta Madaniga (Sawirro)

Gudoomiye Madaale oo ka hadlay Muhiimada ay leedahay Diiwaangelinta Madaniga (Sawirro)

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ka qeybgalay kulan Sanadeedka Guddiga Qaran ee Hagida Diiwaangelinta Madaniga ah iyo Istaatistikada Dhacdooyinka Muhiimka ah, kaasi oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumada Federaalka Soomaaliya.

Kulankaan oo ahaa mid lagu soo bandhigaayay Qorshaha iyo Hindise Sharciyeedyo Muhiim u ah Diiwaangelinta Madaniga ah iyo Istaastistikada ayaa waxaa kasoo qeybgaleen Wasiiradda Cadaalada, Diinta & Awqaafta, Hidaha iyo Tacliinta Sare, Caafimaadka, Agaasimaha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddaha, Wasiiradda Arrimaha Gudaha ee Dowlad Goboleedyada dalka iyo Hey’addaha Hoostaga QM ee taageera Soomaaliya.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in Qorshaha Qaran ee Diiwaangelinta Madaniga uu muhiim u yahay guud ahaan dalka gaar ahaan Caasimada, iyadoo wax weyn ka tareysa helida xogta Bulshada ku nool Magaalada Muqdisho iyo helida tirakoobka saxda ah ee Bulsho iyo Sugida Amniga.

Ad
Previous articleAl-Shabaab oo beddeshay xeeladdeeda dagaalka Lana Soo Baxday Xeelad kale oo cajiib ah
Next articleUrurka NATO oo Shir ka yeelanaya Gantaalka ku soo dhacay Dalka Poland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here