Home Wararka Maanta Gudoomiye Madaale oo Balan Qaaday Daawayna WiilkiinDhawaan isku Qabsadeen laba Qoys oo...

Gudoomiye Madaale oo Balan Qaaday Daawayna WiilkiinDhawaan isku Qabsadeen laba Qoys oo Muqdisho Dagan

0

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ka-faalad qaaday wax ka qabashada xaaladda caafimaad ee Cumar Cali Axmed.

Cumar oo dhawaan maxkamadda darajada 1-aad ee ciidamada qalabka sida ay u xukuntay reerkiisa, kadib markii laba reer isku qabsadeen dhaawaciisa, waxaana haya xanuun u baahan in laga warhayo xaaladiisa caafimaad.

Cumar waxaa jirkiisa ka muuqda dhaawacyo daran oo halis ah, kuwaasi oo ka soo gaaray qarax ka dhacay xerada Nacnaca, oo uu markaas u tegay inuu kamid noqdo ciidanka xoogga dalka.

Cumar ayaa la filayaa in dhawaan loo qaado dalka dibaddiisa, si xaaladiisa caafimaad loola tacaalo, waxayna ka-faalad qaadka Madaale ee wiilkaan uu rejo wanaag u yahay dhalinta ku fikiraya inay dalkooda difaacdan, ee ay qortaan ciidanka.

3-dii bishaan ayay aheyd markii maxkamadda darajada 1-aad ee ciidamada qalabka sida ay Cumar ku wareejisay reerkiisa saxda ah, kadib isqab-qabsi dheer iyo baaris ay sameeyeen CID-da iyo maxkamadda.

Maxkamadda Ciidamada ayaa Cumar waxay markaas ku wareejisay Reer Cali Axmed oo la cadeeyay inay dhaleen.

Maxkamadda Ciidamada ayaa caddeysay in wiilkaan dhibanaha u ah qarax Al-Shabaab u geysatay isaga iyo saaxiibadiis sannadkii 2022 uu yahay Cumar Cali Axmed sidaas ayaana loogu wareejiyey reerkiisa.

Go’aanka maxkamadda ayaa yimid kadib in ka badan saddex todobaad oo la sugayay natiijada baaristii dheecaanka hidda raaca (DNA).

Sheekadda wiilkan ayaa hadal hayn xooggan ka dhalisay baraha bulshada, ayada oo dadka siyaabo kala duwan uga fal-celiyeen, iyada oo ugu dambeyntiina maanta ay dowladda ka-faalad qaaday wax ka qabashada xaaladiisa caafimaad.

Guddoomiye Madaale ayaa xarunta Aqalka dowladda Hoose ee Xamar kula kulmay Cumar Cali Axmed iyo reerkiisa, isaga oo ballan-qaaday inuu ka-faalad qaadi doono kharashaadka ku baxaya xaaladiisa caafimaad.

Ad
Previous articleMaraykanka: Dacwad lagu soo oogay Soomaali ku eedeysan lunsashada $11 milyan
Next articleSidee u dhacay dilka macallin iyo dhaqtar lagu hor dilay hooyadood oo ay muddo kala maqnaayeen ee Duleedka Dhuusamareeb?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here