Guddoomiye Kuxigeenkii 1aad C/weli Muudey ayaa loo diiday inuu ka duulo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, isaga oo ku sii jeeday Baraawe, si uu ugu tartamo kursiga uu ku fadhiyo oo loo xiray Maxamedweli C/llaahi Sheekh oo reer Australia.
Wararka qaar ayaa sheegaya in isku dayga lagu celiyay C/weli Muudey uu ka dambeeyo La Taliyaha Amniya Qaranka Fahad Yaasiin oo quudareynaya inuu tartamo booska Guddoomiye kuxigeenka 1aad
C/weli Muudey iyo ciidamo Ilaalo u ah ayaa hadda ku sugan qeybta VIP-da Garoonka diyaaradaha, waxaana diyaaradda qaadi laheyd lagu armay in aysan ka bixi karin garoonka.
Ad