Home Wararka Maanta Gudoomiye Cali Jeyte oo lacag dul dhigay madaxa Cali dheere & xubno...

Gudoomiye Cali Jeyte oo lacag dul dhigay madaxa Cali dheere & xubno kale (Sawirro)

0

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeeyte Cismaan oo ay wehliyaan Xildhibaan Cabdullahi Maxamed cali Sanbaloolshe Saraakiil ciidaan siyaasiyiin iyo odayaasha Dhanqanka Gobalka Hiiraan ayaa la’kulmay cutubyo ka mid ah ciidamada Dib u xoreynta Deganada o ah Dadka deegaanka oo is abaabulay.

Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan mudane Cali jeeyte Cismaan ayaa waajibaadkii ugu dambeeyey faray ciidamada Dib u xoreynta oo kaashanayo ciidanka xooga Dalka soomaaliyeed si loo xaqiijiyo Yoolka Nabad-galyada Deegaanada Gobalka Hiiraan oo Meelahii ugu dambeeyey looga saarayo Al-shabaab.

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Mudane cali jeeyte Cismaan aya balanqaadyo kala duwan u sameeyey Ciidamada Dib u xoreynta, isagoo xusay in qofkii soo dilo afhayeenka Al-shabaab Cali dheere u abaal Marin u heli doono $25,000 kun dollar, (labaatan iyo shan kun oo doolar).

Sidoo kale Qofkii soo dilo sarkaal ka tirsan Al-shabaab uu Heli doono $10,000 kun oo doolar Qofkii Dila dagaalyahan Al-shabaab ahna uu heli Doono Abaal Marin $5,000 oo doolar asigoo ugu baaqay In laga faa’iideysto fursadaas

Gudoomiye cali jeeyte Cismaan ayaa xusay in ciidamada Dib u xoreeynta Deeganada Gobalka Hiiraan oo ah shacabka oo is abaabulay aay yahiin Geesiyaal naftooda u huray difaaca Diintooda sharafkooda iyo Deegaanadooda midaasoo Dhaxal siisay maanta iney tusaale weyn u noqdeen wax uu ugu yeeray Xoreynta Dalka iyo in Al-shabaab leyska Dulqaadi karo sidoo kale gudoomiyaha ayaa Carabka ku xoojiyey muhiimada ay leedahay in laga shaqeeyo midnimada xiliga Cadawga Duulaanka lagu yahay taasoo ah xoojinta guusha iyo in la adkeeyo kala Qaadashada awaamiirta sida uu yiri.

Cali Jeeyte Cismaan ayaa Xusay in Al-shabaab guulahii ugu dambeeyey laga gaaray inta dhimane lagu soo afjari Doono maalmaha dhaw.

Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan Shiikh oo Ka Hadlay Qarax Dad ku Dhinteen ee Ka Dhacay Dalka Turkiga
Next articleDowlada Soomaaliya oo Shaacisay Cida Alshabaab U Gudbisa Xogta Marakiibta Kusoo Xirta Dekeda Muqdisho iyo Waxa aysidaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here