Guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo maanta khudbad ka jeediyay furitaanka Kalfadhiga 4-aad ee labada Aqal ayaa ka hadlay arrimo ku aadan dagaalka Al-Shabaab.
Ugu horreyn Sheekh Aadan ayaa ku boggaadiyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud go’aankiisa ku aadan dagaalka adag ee haatan lagula jiro kooxda Al-Shabaab.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in baarlamaanka Soomaaliyeed uu qayb ka yahay dagaalkan, isla-markaana xildhibanadu ay tageen furinta hore ee dagaalka.
Sidoo kale wuxuu shaaciyay in laba xildhibaan ay uga dhaawacmeen dagaalka socda, kadib markii ay tageen jiidda hore, gaar ahaan koonfurta gobolka Mudug.
Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), oo kaashanayay Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa 15-kii Abriil 2025 duqeyn cirka ah ka fuliyay gudaha Soomaaliya, si loo burburiyo hub casri ah oo saarnaa dooni
In ka badan 35 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal culus oo ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed.
Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa si faahfaahsan uga hadlay dagaalka dowladiisa kula jirto kooxda Al-shabaab ee ka socda inta badan gobolada dalka. Madaxweyne Xasan Sheekh oo u muuqday