Home Wararka Maanta Gudoomiye aadan madoobe oo ku baaqay in Soomaaliland degdeg losoo Qanciyo

Gudoomiye aadan madoobe oo ku baaqay in Soomaaliland degdeg losoo Qanciyo

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS, mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ka wakiil ah Madaxweynaha JFS, mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay ka qeyb galay munaasabada xuska 26‐ ka Juun, oo ku beegan 62-sanno guuradii ka soo wareegatay xiligii gobolada waqooyi ee dalkeenna ay xurnimadda ka qaateen gumeystihii Ingiriiska, Guddoomiyaha ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xogga dalka Soomaaliyeed.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo Khudbad dhan walba taabaneysa ka jeediyey munaasabada ayaa waxaa uu sheegay in ay nasiib daro tahay in 62-sano ka dib aan walaalaheenna Gobolada waqooyi ay ka maqan yihiin dalka intiisa kale. waxaana uu khudbadiisa ku yiri sidatan.

“Farxad weyn ayeey ii tahay inaan caawa Ka qeyb galo munaasabadda loogu dabaaldagayey 62 sano guurada ka soo wareegtay xornimadii Gobollada Woqooyi ee 26-ka Juun.
62-sano ka hor 26-ka Juun1960 waxay shacbiga Soomaaliyeed u aheyd maalin weyn, maalin xorriyadeed, maalin farxadeed, maalintii ugu horreysay ee madaxbannaani helaan gobollada Waqooyi ee dalkeenna, isla markaana Calanka buluugga ah laga taagay gayiga dalkeena.
Sidaa darteed waxaan hambalyo u dirayaa guud ahaan ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay caalamka ka joogaan, waa maalin nooga baahan in aan dib u milicsanno halgankii adkaa ee naf iyo maal lahaa ee lagu bixiyay xorriyadda aan maanta heysanno.

Munaasabaddan qiimaha weyn darteed waa in aan dib u eegno wixii naga xumaaday, gacmahana aan isugu qabsanno oo aan waqti ku bixinno sidii walaalaha Waqooyi dib loogu qancin lahaa Soomaaliweyn, Midnimo iyo Walaalnimo, taas oo fure u noqon karta dowladnimo Soomaaliyeed oo sinnan, wadajir iyo caddaalad ku dhisan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda oo geba-gada munaasabada ka sheegay in maanta loo baahanyahay midnimo aan markale dib ugu midoobi karno, taas oo ka dhigan Jamhuuriyad ku dhisan is jeceyl iyo walalnimo, waxaana xalay saacada markey aheyd 12:00 saqda dhexe ee habeennimo la saaray Calanka Jamhuuriyada, iyadoo shacabka iyo madaxda wajiyadooda laga dheehanaayey farxad iyo reyn-reyn

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleMadaxweyne Biden: Maxkamadda Sare waxay samaysay go’aamo xun
Next articleRa’iisul Wasaare Xamsa: Goonni isu taagga Somaliland waa in laga garaabo