Home Wararka Maanta Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo Madaxweyne Farmaajo ka diiday Dalab Xasaasi ah uu...

Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo Madaxweyne Farmaajo ka diiday Dalab Xasaasi ah uu u gudbiyay

0

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa 30-kii bishan kulan la qaatay guddoomiyaha cusub ee gollaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe, waxa ayna labada dhinac kawada hadleen arrimo dhoor ah.

Kulanka Farmaajo iyo Sheekh Aadan Madoobe ayaa intiisa badan looga hadlay arrimo la xariira doorashada Madaxweynaha iyo sidoo kale khilaafka ka taagan Xildhibaanada lagu soo doortay gobolka Gedo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa warar soo baxaya sheegayaan in Guddoomiyaha cusub ee gollaha shacabka ka codsaday in uu meesha ka saaro Xildhibaanada labada dhinac ah ee lagu soo kala doortay Ceel-Waaq iyo Garbahaarey ee gobolka Gedo.

Waxa uu Farmaajo u sheegay Sheekh Aadan Madoobe in muhiim tahay in lagu tixgeliyo gobolka Gedo uu kasoo jeedo uuna codsanayo in meesha laga saaro labada dhinac Xildhibaanada si aysan cod ugu yeelan doorashada Madaxweynaha.

Sida aan wararku ku helnay Sheekh Aadan Madoobe ayaa ka biyo diiday dalabka Farmaajo, waxa uuna u cadeeyay in Xildhibaanada lagu soo doortay Ceel-Waaq yihiin kuwa sax ah ay ansixiyeen guddiga doorashada sidoo kale guddonkii KMG dhaariyeen.

Kulanka labada masuul ayaana kusoo dhammaaday isfaham waa , waxa ayna u ballameen kulamo kale oo arrintan xal looga gaarayo, lamana oga in guddoonka Gollaha shacabka mar kale si cad ugu deerin doonaan Madaxweyne Farmaajo.

Farmaajo ayaa lahaa sababta in deegaan doorashada looga dhigo min labo magaalo si uu u maamusho dooarshada Xildhibaanada ee lagu waday in Garbahaarey ka dhacdo, waxa uuna hadda Farmaajo ku gorgortamaa in aysan cod ku yeelan doorashada Xildhibaanada Gedo laga soo doortay.

Madaxweyne Galmudug oo ku baaqay in loo Midoobo Dhameestirka Kooxda Shabaab

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor oo la hadlaayay Shacabka Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Al shabaab ay marayaan waqtiyadoodi ugu dambeeyay kaliya loo baahan yahay in loo midoobo

NISA oo faah faahin ka bixisay duqeymo 24 kii saac ee lasoo dhaafay ka dhacay Shabeelooyinka

War ay soo saartay Hay'adda NISA ayaa lagu sheegay in Howlgal duqeyn ah oo ay iska kaashadeen Ciidamada Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, iyo Ciidamada Xoogga dalka ay

Dowladaha Itoobiya iyo Israa’iil oo iska Caawinaya la dagaalanka Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta

Dowladda Israa’iil ayaa Itoobiya ka codsatay inay iskaashi ka sameeyaan la dagaalanka argagixisada Bariga Dhexe iyo Afrika, iyagoo argagixisada ku tilmaamay cadow ay wadaagaan labada dal. Shir jaraa’id oo ay

Nin Qof Shacab ah Dilay oo lagu Qabtay Magaalada Hargeysa

Booliiska Somaliland ayaa Khamiistii soo qabtay nin lagu eedeynayo inuu qof kale ku dilay degmada Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa. Qoraal lagu baahiyay barta Facebook ee Ciidanka Booliiska ayaa lagu

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa
Ad
Previous articleAlshabaab oo Shaaciyay Tirada Ciidamada Saakay ay Ku Dileen Weerarkii Ceelbaraf
Next articleXiisad Xooggan oo ka Taagan kursiga HOP141 iyo Dorashadiisa oo Dib loo dhigay