Home Wararka Maanta Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Xildhibaanadii Dhawaan iskhilaafeen oo waan waan laga Dhexbilaabay

Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Xildhibaanadii Dhawaan iskhilaafeen oo waan waan laga Dhexbilaabay

0

Xildhibaan Shaacir Sheegoow oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug ayaa Magaalada Dhuusa Mareeb ka bilaabay dadaalo lagu xalinayo khilaafka u dhaxeeya guddoomiyaha iyo guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug.

Xildhibaan Shaacir Sheegoow ayaa hoggaaminayo tiro xildhibaano ah oo ka shaqeynaya xalinta khilaafka guddoonka baarlamaanka, iyagoo waqti badan geliyay maalmihii la soo dhaafay sidii loo heshiisiin lahaa guddoomiye Maxamed Nuur Gacal iyo guddoomiye Cabdullaahi Xirsi Maxamed.

Waxay bilaabeen kulamo wadatashi ah iyo kuwo xal loogu raadiyo sidii loo soo afjari lahaa khilaafka taagan oo caqabad ku noqon kara howlaha baarlamaanka.

Xildhibaan Shaacir Sheegoow oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dadaalka ay wadaan meel wanaagsan uu marayo isla markaana uu rajo wanaagsan ka qabo in la xaliyo khilaafka guddoonka.

“Markaan aragnay xaalada Galmudug iyo khilaafka taagan waxaan go’aansanay aniga iyo Xildhibaano kale sidii arrimaha khilaafka ee taagan aan u xalin lahayn, wado walbo waa u mareynaa sidii loo soo afjari lahaa khilaafkaasi”, ayuu yiri Xildhibaan Shaacir Sheegoow.

 

Ad
Previous articleAkhriso:Hal Qodab oo lasoo Warinayaa in ilaa iyo Haatan Golaha Wadatashi Qaran isku Mari la,yahay
Next articleBeesha Caalamka Ayaa Sheegtay in Dorashadi Dhacday khaladaad badan lagu arkay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here