Home Wararka Maanta Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug iyo Guddiga doorashada Maxay ka wada hadleen ?.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug iyo Guddiga doorashada Maxay ka wada hadleen ?.

0

Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka  Galmudug Dr Maxamed Nuur Gacal ayaa Magaalada Dhuusamareeb waxaa uu kulan kula qaatay  Gudiga Doorashooyinka Heer Dowlad Goboleed ee Galmudug.

Kulanka oo ahaa mid isxog-wareysi ah ayaa Xubnaha Guddiga waxaa ay Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug warbixin ka siiyeen halka ay u mareyso xaaladaha arrimaha doorashooyinka.

Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka  Galmudug Dr Maxamed Nuur Gacal ayaa dhankiisa kula dardaarmay in ay si hufan u gutaan waajibaadka ka saaran qabashada Doorasho hufan.

Ad