Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Gudiga doorashooyinka Oo Qaadacay kursiga Fahad Yaasiin

Gudiga doorashooyinka Oo Qaadacay kursiga Fahad Yaasiin

0

Guddiga doorashooyinka heer federal ayaan aqoonsan natiijada kursigii uu ku soo baxay Fahad Yaasiin, iyagoo kaliya soo daabacay natiijada 5-tii kursi ee maanta Beledweyne lagu doortay, sida lagu shaaciyay Page-ka Guddiga uu ku leeyahay facebook

“Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT) waxba iskama badalin go’aankii ay ku hakiyeen kursiga HOP#086, sidaasi darteed waa waxba kama jiraan natiijada talaabadii maanta lagu baalmaray”ayaa lagu daabacay Page-ka Guddiga.

Talaabadan ayaa ka dhigan in Fahad Yaasiin uusan si fudud ku heli doonin shahaadada kama dambeysta ah ee Xildhibaanimo oo ay bixinayaan Guddiga doorashooyinka heer Federaal.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA GUDDIGA

Ad
Previous articleDeg dg Qarax Xoogan oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho
Next articleJadwalka Todobo Kursi oo Ka Mid Noqon Doona Golaha Shacabka oo La Shaaciyay Xili waqtiga Doorashada 4 maalin ka Hartay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here