Home Wararka Maanta Gudiga Doorashooyinka Ka Shaqaynaaya oo la Magacaabay iyo xasan oo Dalka Deg...

Gudiga Doorashooyinka Ka Shaqaynaaya oo la Magacaabay iyo xasan oo Dalka Deg deg ugu Soo laabtay

0

Guddoonka labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo magacaabay Guddi kumeel gaar ah oo ka kooban 15 xubnood oo Xildhibaanada iyo Senatorrada labada Aqal isugu jira.

Guddigaan ayaa ka shaqeynaya diyaarinta xeerarka doorashooyinka Ururada iyo Xisbiyada, xeerka doorashooyinka iyo sharciga dhismaha Guddiga Doorashooyinka iyo Xuduudaha Qaranka.

Baarlamaanka labada Aqal ayaa toddobaadkan muddo bil ah dib u dhigay fasaxooda, kadib codsi uu ka hor jeediyay Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh.

Waxaa la filayaa in dhawaan uu Baarlamaanka Soomaaliya bilaabo doodaha la xiriira xeerarka doorashooyinka, maadaama deg deg looga sugayo guddiyadii jiheyn lahaa doorashooyinka.

Kalfadhigaan ayuu qorshuhu ahaa in toddobaadkii hore uu xirmo xildhibaanaduna ay galaan fasaxooda caadiga ah oo labo bilood ah, balse muddo bil ah ayaa lagu daray kulamada golaha, waxaana sidaas baarlamaanka ka codsaday Xasan Sheekh.

Guddiga ay Guddoomiyayaasha labada Gole ee BFS soo magacaabeen ayaa kala ah:

  1. Xil. Mahdi Maxamed Guuleed
  2. Sen. Iftiin Xasan Imaan
  3. Xil. Xiis Xasan Aadan
  4. Sen. Zamzam Daahir Maxmuud
  5. Xil. Cabdi Ibraahim Warsame
  6. Xil. Ilyaas Sheekh Axmed Ibraahim
  7. Xil. Nurulcayn Khaliif Sheekh Abuu
  8. Sen. Cabdiqani Ugaas Geele Maxamed
  9. Xil.Maxamed Muxumed Maxamed
  10. Xil. Sayid Cali Isxaaq Maxamed
  11. Sen.Aadan Cabdinaasir Maxamed
  12. Xil.Dahabo Suusow Maxmuud
  13. Sen. Bilaal Idiris Cabdullahi
  14. Xil. Cali Xasan Ibraahim
  15. Xil. Yuusuf Xeyle Jimcaale
Waajibaadka Guddiga ayaa ah:
  1. Ka baataandegga iyo Diyaatinta Xeerarka Doorashooyinka, Ururrada iyo Xisbiyada siyaasideed, iyo Sharciga dhismaha Guddiga Doorashooyinka iyo Soohdimaha.
  2. U soo gudbinta labada aqal oo wadajira warbixin dhamaystiran oo ku saabsan xeetarka kor ku xusan.

Diyaarad ay leedahay Dowlada Israel oo ku bur-burtay Magaalada Qaza

Warbaahinta Israa’iil ayaa baahiyay in diyaarad nuuca wax basaas ah oo ay lahaayeen milatariga Israa’iil shalay ku dhacday meel ku dhaw marinka Qasa ee dhulka Falastiin, kaddib marki la sheegay

40 xubnood oo Al-shabaab looga dilay dagaalo iyo duqeymo ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalo iyo duqeymo ka dhan ah kooxda Al-shabaab oo saacadahii lasoo dhaafay ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalada ayaa la tilmaamay

Qaranka Soomaaliya ee 17jirada oo maanta wajahaya dhigooda Xulka Tunisia koobka Qaramada Qaarada Afrika

Xulka Qaranka Soomaaliya ee da'doodi ay ka yar tahay 17 jirada ayaa maanta wajihi doona xulka Qaranka dalka Tunisia ee da'doodi ka yartahay 17jira tartanka 15aad ee Koobka Qaramada Qaarada

Dowlada oo ka hadashey Hawlgaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay Gobolada Shabeelooyinka

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Abuukar Maxamed oo maanta shir jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay furimaha hore ee dagaalka ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay howlgaladii ugu dambeeyay ee ka

Gobolka Shabeellaha Dhexe oo lagu dilay Horjoogayaal ka tirsan Kooxda Shabaab

Taliska hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaaca ka qaaday in howlgal Xalay  ka dhacay deegaanka Geelgub oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe lagu dilay xubno ka
Ad
Previous articleBaltasar Ebang Engonga ninka ugu Hadal haynta Badan Caalamka Maantay Muxuu Sameeyey?
Next articleGuri ku yaalay Camaara oo Saakay La duqeeyey iyo khasaaro Ba’an oo ka Dhashay