Home Wararka Maanta Guddiga Doorashooyinka oo Sheegay Xalka Looga Gudbi karo Caqabadaha Taagan

Guddiga Doorashooyinka oo Sheegay Xalka Looga Gudbi karo Caqabadaha Taagan

0

Guddiga doorashada heer federaal ayaa maalintii afaraad wada shahaado siinta xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ee lagu soo doortay Muqdisho iyo maamul goboleedyada dalka.

Guddoonka guddiga doorashada ayaana ugu baaqay xildhibaanada waddanka jooga in ay yimaadaan magaalada Muqdisho ayna qaataan shahaadada xildhibaanimo iyo sidoo kale kaarka aqoonsiga.

Qoraal ay soo saareen guddiga doorashada ayey ku sheegeen caqabadaha amni ee dalka ka jira in xalka kaliya ee hada looga bixi karo ay tahay dhammeystirka doorashada iyo dhismaha dowlad sal leh.

”Xildhibaanada jooga waddanka waxaan ku boorrinaynaa inay yimaaddaan xarunta guddiga FEIT, si aan uga guul gaarno yoolkeenna dhammeystirka doorashada.
caqabadaha Amni ee waddankeennu waxa kaliya oo looga bixi karaa dhammeystirka doorashada iyo dhismaha dowlad sal leh.” ayaa lagu yiri qoraalka guddiga doorashada.
Guddiga doorashada ayaa shahaadada xildhibaanimo siiyay in ka badan 120-xildhibaan, waxaana la filayaa in maalmaha soo socdana xildhibaano kale qaataan shahaadada, waxaana jira xildhibaanada qaar in caqabado ka heestaan qaadashada shahaadada.
Ad
Previous articleQorshe Halis ah oo farmaajo damacsanaa oo Banaanka Lasoo Dhigay
Next articleCali Guudlaawe oo Dib ugu laabtay jowhar