Home Wararka Maanta Guddiga Doorashooyinka oo Maantay Wafdi U Diraayo Baydhabo

Guddiga Doorashooyinka oo Maantay Wafdi U Diraayo Baydhabo

0

Sida lagu baahiyay page-ka Guddiga Doorashooyinka ee Heer Federaal Guddiga ayaa xubno ka mid ah u diraya Maantay Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Ujeedada safarka xubnahan ayaa la sheegay iney tahay sidii xal loogu heli lahaa tabashada Maamulka Koonfur Galbeed ee la xiriirtay kuraasta doorashadooda dib loo celiyey.

Wafdigan ayaa kulamo la qaadan doona masuuliyiinta Koonfur galbeed si xal looga gaaro Xildhibaanada Koonfur galbeed ee ku xaniban Baydhabo

Tallaabadan ayaa noqoneysa loo qaaday dhanka wanaagsan oo qeyb wayn ka qaadaneyna dhameystirka geeddi socodka doorashada inkastoo aan la ogeyn natiijada ay la soo laaban doonaan guddigan.

Arrintan ayaa ku soo beegmeysa xili maalin kaliya ay ka harsan tahay dhaarinta Xildhibaanada qaatay shahaadada ee labada aqal oo ku beegan 14ka bishan.

Ad
Previous articleDagaal culus oo ka dhacay Degmada Afgooye
Next articleMa Dhabaa in Raysulwasaare Rooble looga Adkaaday Kuraasti La Hakiyay ee Koonfurgalbeed(Xog)