Warsaxaafadeed ka soo baxay Guddiga Hirgelinta doorashooyinka Heer Federal ayaa lagu sheegay in guddiga uu go’aan ka soo saaraya kuraasta uu Guddiga hakiyay natiijadooda, kuraasta uu FEIT hakiyay ayaa kala ah HOP#154, HOP#103, HOP#204 iyo HOP#086.
Qoraal ka soo baxay Guddiga ayaa lagu yiri “waxaa uu Guddiga go’aamiyey in dib loogu noqdo doorashada dhammaan kuraastan, si loo saxo habraacii qaldamay. Iyadoo la tixraacayo habraacii doorashadii 2016kii ayuu guddigu dib ka soo sheegi doonaa qabashada doorashada kuraastan, goorta iyo goobta lagu qaban doono.”
Guddiga ayaa ku sababeeyay hakinta natiijada kuraastaan in aan loo marin habraacii saxda ahaa ee loogu talo galay taas uu guddiga jiheeyay.
Kuraasta uu guddiga hakiyay ayaa saddex ka mid ah lagu soo doortay Magaalada Baydhabo oo ah deegaan doorashada koowaad ee Dowlad Gobaleedka Koonfurka Galbeed halka kursiga kale lagu soo doortay Magaalada Baladweyne oo ah deegaan doorashada labaad ee Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle.
Guddiga ayaa ku go’aamiyay in dib loogu noqdo doorashada kuraastan, si loo saxo habraacii qaldamay, guddiga ayaa carrabka ku dhuftay in loo marayo habraacii doorashada 2016.
Muqdisho ayaa waxaa ka socota shahaado siinta Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kuwaas oo doorashoodu ka dhacday Magaalooyinka loo asteeyay in ay doorashada ka dhacdo.