Home Wararka Somaliya Galmudug Goobihii Shalay Lagu dagaalamay oo saaka Degan iyo Cabsi wili jirto

Goobihii Shalay Lagu dagaalamay oo saaka Degan iyo Cabsi wili jirto

0

Dagaalkq u dhaxeeyey ciidamada dowladda federaalka  Soomaaliya oo kaa shanaya kuwa Galmudug iyo kuwa Ahlu-Sunna ayaa saacadihii la soo dhaafay ka dhacay deegaanka Bohol ee waqooyiga ka xiga magaalada Galmudug ee  Dhuusamareeb.

Wararka laga helayo sakaa deegaanka Bohol ayaa sheegaya in xaaladda degaanka ay tahay mid degan, hayeeshee dagaalka uu sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba oo kor u dhaafay ku dhawaaad 20 Ruux.

Ma jiraan wax waanwaan ah oo labada dhinac laga dhex-wado, hasa ahaatee dhinacyada ayaa iskood ugu kala tagay deegaanka Bohol, waxaana suurta-gal ah inay markale isku laabtaan maadaama ay weli ishor-fadhiyaan.

Hoggaanka Ahlu-Sunna ee horay looga saaray Galgaduud ayaa dib ugu laabtay ayaga oo sheegay inay ka qayb galayaan siyaar ka dhaceysay deegaanka Huurshe, balse ay bilaabeen abaabul davaal.

Ad
Previous articleSanater C/xakiin Macalin Axmed oo si Kulul uga Hadlay Dagaalada Galmudug
Next articleWafdi ka socda Dowladda Soomaaliya iyo Galmudug oo Maanta Soo gaaraya Dhuusamareeb

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here