Home Wararka Maanta Goob Ganacsi oo Ku taala Muqdisho oo weerar Layaab leh Xalay Lagu...

Goob Ganacsi oo Ku taala Muqdisho oo weerar Layaab leh Xalay Lagu Qaaday

0

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar ay xalay kooxo burcad ah ka gaysteen gudaha degmada Garasbaaley ee gobolka Banaadir, kaas oo lagu beegsaday dad shacab ah.

Weerarkan ayaa si gaar ah uga dhacay xaafadda Iga-dabagey ee degmadaasi, waxaana lagu beegsaday dukaan ku yaallo halkaasi, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah.

Burcadda ayaa gudaha u gashay dukaanka, waxayna dhac baahsan uu gaysteen dukaanka, iyaga oo dhaawacay wiil iyo aabihiis oo xilligaas ku sugnaa.

Wiilka iyo aabaha ayaa haatan xaaladdooda caafimaad lagu dabiibayaa mid kamid ah isbitaallada ku yaalla gudaha magaalada Muqdisho, ayada oo ehelladdu ay dalbanayaan cadaalad, maadaama dhac baahsan iyo dhaawac la’isugu daray.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in burcadda falkan gaysatay ay goobta isaga baxsatay, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka degmada iyo saraakiisha laamaha amniga oo ku aadan dhacdadaasi.

Weerarkan ayaa u ek kuwa lagu hayo Soomaalida ku dhaqan dalka Koonfur Afrika

Magaalada caasimada ah ee Muqdisho waxaa inta badan ka dhaca falalka dhaca ah oo ay dhibaanayaal u yihiin shacabka Soomaaliyeed oo dhibaato kala kulma rag hubeysan iyo kuwa mindiyo wata oo xilliyada habeenkii ah ka qooleesta degmooyinka gobolka Banaadir.oo inta badan dhac iyo dil kala kulmo kooxo burcad ah oo ku sugan gudaha dalkaasi.

Dowlada Mareykanka oo Sabab u Noqotay Xil ka badelka lagu Sameeyay Wasiirka Gaashaandhigga

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa isku shaandheyn iyo is beddel ku sameeyay qaar kamid ah golihiisa Wasiiradda, waxa uuna xilka ka qaaday kana saaray meesha labo Wasiir,

Raisal Wasaare Xamze oo Magacaabay Wasiiro Cusub Kadib Isku Shaadheyn uu Sameeyay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamze Abdi Barre ayaa maanta magacaabay xubnahan cusub ee Wasiirrada ee Xukuumadda JFS ee kala ah: 1. Md. Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi –

Kooxda Xisbullah oo weerar khasaaro geesatay ka fulisay gudaha Suuriya

Dagaallamayaal katirsan ururka Shiicada ee Xisbullaah , ayaa lagu soo waramayaa in gudaha u galeen qeybo kamid ah dalka Suuriya, waxa ayna kooxdan weerar ku qaadeen goob ay joogeen ciidamo

Meydka Nin la weysanaa Mudo oo laga helay hotel ku yaalla Muqdisho

Nin muddo labo Maalin ah la weysanaa ayaa Meydkiisa laga helay qol uu ka deganaa Hotelka Mansoor oo ku yaalla Nawaaxiga Isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho. Marxuumka ayaa lagu sheegay

Madaxweynaha Turkiga oo Saddex Qodob kala hadlay dhigiisa Mareykanka Trump

Madaxweynayaasha dalalka Mareykanka iyo Turkiga ayaa yeeshay wadahal dhinaca telfoonka ah, waxa ayna labada masuul kawada hadleen arrimo dhowr ah oo ay ugu horreeyaan xoojinta xiriirka labada dal ka dhaxeeya
Ad
Previous articleCiidamada Al-Shabaab oo Dhankooda ayagana magacaabay taliye cusub
Next articleWar Deg Deg ah: Norwey, Spain Iyo Ireland Oo Dowlad Ahaan U Aqoonsaday Falastiin