Home Wararka Maanta Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya oo Meel Mariyay Hindise Sharciyeedyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya oo Meel Mariyay Hindise Sharciyeedyo Muhiim ah

0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa meel-mariyey Hindise Sharciyeedka Arrimaha Xajka iyo Xeer-nidaamiyaha Xuquuqda Bukaanka iyo Shaqaalaha Caafimaadka, ka dib kulankoodii toddobaadlaha ahaa oo ay maanta yeesheen.

Shuruucdan oo ay soo kala gudbiyeen Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada; iyo Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, ayaa muhiimad gaar ah u leh xujeyda iyo daryeelka bukaanka Soomaaliyeed.

Shirka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo la xiriira amniga, dhaqaalaha, deyn-cafinta iyo aqoon-is-weydaarsiga istiraatiijiyadeed ee Golaha Wasiirrada.

Golaha ayaa ugu dambeyntii bogaadiyey guulaha isbadaba joogga ah ee Ciidanka Qaranka iyo dadweynaha Soomaaliyeed ee iskaashanaya ay ka gaarayaan dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta ah.

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa

Dagaal Dhexmara Itoobiya iyo Ereteriya oo laga Cabsi Qabo Inuu Qarxo

Waxaa laga cabsi qabaa in dagaal cusub uu ka dhex qarxo dowladaha Ereteriya iyo Itoobiya, kuwaasoo maalmihii u dambeeyay ciidamo ku daabulayay deegannada u dhow xadka ay wadaagaan. Madaxweyne ku

Warar laga helayo Dagaalo ka dhacay Deegaano Hoostaga Galmudug Sida Ceelhuur

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo Xalay ka dhacay deegaanka Biyo cadle oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud. Dagaalka ayaa ahaa mid

Xamse oo booqday ciidamada Dowladda iyo kuwa degaanka ee ku dhaawacmay dagaalka lagula jiro Al shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa xalay ku booqday isbitaalada Xooga dalka iyo isbitaalka Erdogan dhaawacyada Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka ee ay waxyeelladu ka soo gaartay dagaalka lagula

Xubno sare oo ka tirsan Al shabaab oo lagu dilay Duqeymo ka dhacday Gobolka Shabeellaha Dhexe

War saxaafadeed kasoo baxay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka ay fuliyeen howlgal duqeyn ah oo si gaar ah loo qorsheeyay, kaas oo lagu
Ad
Previous articleDowlada Soomaaliya oo Shaacisay Tirada Alshabaab Shalay looga Dilay Shabeeloow
Next articleRoobab xooggan oo sababay dhimasho & burbur oo ka da’ay Magaalada Baydhabo