Home Wararka Maanta Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia oo Maantay ansixiyey labo sharci oo xasaasi ah...

Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia oo Maantay ansixiyey labo sharci oo xasaasi ah oo Ka Dhan ah Alshabaab

0

Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia ayaa maanta kulan xasaasi ah ku yeeshay Magaalada Muqdisho kaasoo looga hadlay qodobo kala duwan

Afhayeenka Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, Farxaan Maxamed Jimcaale ayaa ka warbixiyay laba sharci oo maanta lagu ansixiyay Shirka Golaha Wasiirada uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Mudane Xame Cabdi Barre.

Labada sharci ee la ansixiyay ayaa kala ah Sharciga Cunaqabateynta Maaliyadeed ee Cayiman iyo Sharciga Nidaamka Maaliyadeed ee Khayraadka Dhulka Hoostiisa.

“Shuruucdan waxay ahmiyad gaar ah u leeyihiin dagaalka lagula jiro Kooxaha Khawaarijta iyo maamulka nidaamka maaliyadeed ee qodista khayraadka dhulka hoostiisa ah” ayuu yiri afhayeenka xukuumada

Ad