Home Wararka Maanta Golaha Wasiirada Soomaaliya oo yeeshay Shir aan Caadi ahayn Maxaa Looga...

Golaha Wasiirada Soomaaliya oo yeeshay Shir aan Caadi ahayn Maxaa Looga Hadlay?

0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo caawa yeeshay shir aan caadi ahayn ayaa cod aqlabiyad leh ku meel mariyay ku tala-galka miisaaniyadda dawladda ee sanadka 2024-ka.

Miisaaniyadaan ayaa dhan $1,025,687,991 (Hal Bilyan iyo shan iyo laabatan Malyan oo dollar).

Miisaaniyadda dowladda ayaa sanadkan gaartay inka badan hal Bilyan oo Dollar, taas oo ku timid dakhliga gudaha oo kordhay in ka badan 20%.

Miisaaniyadaan la ansixiyey caawa ayaa ahmiyadda saareysaa amniga Qaranka iyo horumarinta adeegyada bulshada, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo kulanka guddoominayey ayaa sheegay in miisaaniyaddan ay ka tarjumeyso baahiyaha iyo duruufaha dalka ka jira.

Markii Soomaaliya deynta laga cafiyo ayuu sheegay in dhammaadka sanadkaan ay sii kordhi doonto, si kor loogu qaado adeegyada ay dowladdu gaarsiinayso bulshada Soomaaliyeed.

Miisaaniyadda caawa ay ansixiyeen golaha wasiirrada Soomaaliya ayaa ah tii ugu badneyd, waxaana muuqata inay sii kordheyso miisaaniyadda dowladda sanadba sanadka ka dambeeya.

Sidoo kale, Kulanka Golaha ayaa lagu ansixiyey Xeer-nidaamiyaha Dhoofka, Shahaadooyinka iyo Astaamaha Tayada iyo Xeer-nidaamiyaha Baaritaanka iyo Xaqiijinta Tayo-dhowrka Badeecadaha dalka soo galaya.
Ad
Previous articleHooyo caruurteeda iyo nin keedii hore ay haystaan Xamaas oo ugu baaqday Israa’iil in ay ogolaato is dhaafsiga maxaabiista
Next articleDadbadan oo ka falceliyay Talaabadii ay Golaha Wasiiradu Xalay Qaadeen