Golaha Wasiirada Soomaaliya oo Maantay La Horgaynaayo Qaraar lagu Raali Galinaayo Qalbi Dhagax

Golaha Wasiiradda Faderaalka Soomaaliya ayaa maanta la horgeynayaa qaraar raaligalin lagu siinayo Cabdikariim Muuse QalbiDhagax, oo ay Dawladda Soomaaliya u dhiibtay Itoobiya, sannadkii 2018-kii, laguna raaligalinayo ONLF oo ay horey isla sannadkaas golaha wasiiradda Soomaaliya Urur Argagixiso u aqoonsadeen.

Cabdikariim Qalbi-Dhagax oo ahaa sarkaal Soomaaliyeed ayay dawladda Soomaaliya u dhiibtay Itoobiya oo uu la dagaalamayey, sannadkii 2018-kii, waxaana arrintaas si weyn uga hor yimi baarlamaanka Faderaalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*