Home Wararka Maanta Golaha Wasiirada oo go’aan ka gaaray heshiiska militari ee Imaaraadka oo Dhawaan...

Golaha Wasiirada oo go’aan ka gaaray heshiiska militari ee Imaaraadka oo Dhawaan ay Diideen Golaha Wasiirada Soomaaliya

0

Golaha Wasiirrada XFS ayaa caawa ansixiyay heshiis ay dowladda Soomaaliya la gashay dowladda Imaaraadka Carabta, kaas oo maalmihii lasoo dhaafay la sheegay in lagu celiyey wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya.

Heshiiskaan ayaa quseeya dhinacyada iskaashiga militeriga, amniga iyo la dagaalanka Argagaxisada oo ay horay u gaareen wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya iyo dowladda Imaaraadka Carabta.

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa qoraal kooban soo saaray markii ay goluhu ansixiyeen heshiiskaan, isagoo sheegay in heshiiskaan uu muhiim u yahay Soomaaliya.

“Anagoo ka duulayna xoojinta iskaashiga ciidamada, amniga iyo howlgallada ee la dagaalanka kooxaha argagixisada, ururada iyo khataraha argagixisada ayaa maanta golaha wasiiradu ansixiyeen heshiiska amniga ee dowladda Imaaraadka iyo Soomaaliya,” ayuu yiri wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya.

Qoraalka uu wasiirku soo dhigay bartiisa Twitterka ayaa intaas ku sii daray, “Heshiiskan ayaa Soomaaliya ka caawin doona in ay abuurto ciidamo ku filan, si ay si buuxda ugala wareegto howlgallada amniga ee ATMIS, si waafaqsan aragtideena Amniga. Marka la helo tababar sax ah, Soomaaliya waxay yeelan doontaa awood ku filan oo ay uga hortagto khataraha amni ee ka soo baxaya gudaha iyo dibadda dhulkeeda.”
Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya ayaa heshiiskaan lasoo galay Imaaraadka, waxaana maalmo ka hor banaanka u soo baxay war sheegayey in heshiiskaan dib loola celiyey wasiirka oo kulankii golaha wasiirrada uu kala soo noqday.
Heshiiska ayaa waxaa ka dhashay hadal hayn iyo muran badan, ayada oo dadka mucaaradsan dowladda ay ku qeexeen mid xadgudub ku ah madax-banaanida dalka, oo amniga Soomaaliya lagu hoos geeyey Imaaraadka Carabta.
Waxaa sidoo kale baraha bulshada aadmu wareegayey waraaqo lagu sheegay inay yihiin qodobada heshiiska, kuwaas oo aan sax ahaanshahooda la xaqiijin karin.
Dowladda Soomaaliya ayaa horay u burburisay heshiis noocaan oo kale ah oo Imaaraadka kala dhaxeeyey, xiligii uu talada dalka hayey Farmaajo, balse hadda waxaa muuqata in Soomaaliya ay daneyneyso inay hagaajiso xiriirka kala dhaxeeya Imaaraadka.

Kulan Dhexmaray Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Dhigiisa Jabuuti Ismail:- Sawiro

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga

Israel oo Duqeymo ka geysatay Saldhigyo uu la Wareegayo Turkiga

Diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ayaa fuliyey in ka badan 15 duqeyn oo lagu qaaday garoonka diyaaradaha ee Hama, taasoo socotay xalay qiyaastii saacad iyo bar. Afhayeenka ciidamada Israa’iil ayaa sheegay

Warar laga helayo dagaal culus oo ka socda Galbeedka gobolka Mudug

Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya inuu haatan dagaal beeleed xoogan uu ka socdo inta u dhaxeysa deegaanada Jiicboor iyo Saax qurun oo dhaca Galbeedka gobolka Mudug. Dagaalkaan oo

Maamulka Koonfur Galbeed oo soo bandhigtay xubno kasoo baxsaday Kooxda Al shabaab

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Afar Xubnood oo katirsanaa Kooxda Al shabaab ay isku soo dhiibeen Ciidamada Booliiska Gaar ahaan laanta Baarista Dembiyada CID-da ee Gobolka Bay.

Diyaarad ay leedahay Dowlada Israel oo ku bur-burtay Magaalada Qaza

Warbaahinta Israa’iil ayaa baahiyay in diyaarad nuuca wax basaas ah oo ay lahaayeen milatariga Israa’iil shalay ku dhacday meel ku dhaw marinka Qasa ee dhulka Falastiin, kaddib marki la sheegay
Ad
Previous articleDagaal Qaraar oo Saakay Markale Kasocda Magaalada Laasacaanood
Next articleDhimashada Dhul Gariirkii Ku Dhuftay Turkiga Iyo Syria Oo Gaartay inka badan 3,700 Qof