Home Wararka Maanta Golaha Wasiirada Jubaland oo Ku dhawaaqay Halka Lagu Qabanaayo 16ka Kursi ee...

Golaha Wasiirada Jubaland oo Ku dhawaaqay Halka Lagu Qabanaayo 16ka Kursi ee Garbahareey Taalay

0

Axmed Madoobe oo Gollihisa Wasiirada u xaqiijiyay in doorashada 16ka kursi ee deegan doorashada 2aad ee Jubaland ka dhaceyso degmada Ceelwaaq.

In kasto aaysan dhicin kulan guud oo Gollaha Wasiirada Jubaland aay yeeshen , hadana tiro Wasiiro oo u tageen Axmed Sheikh Maxamed Islaam aya waxa uu u sheegay in Garbaharey aaysan ka qabsoomi karin doorasho , Kismaayana surta-gal aheyn sidaad darteedna Ceelwaaq noqon doonto deegan doorashada labaad ee Jubaland.

Xogta aya tilmaameyso in Axmed Madoobe uu Ceelwaaq u diri doono maalinimada barito siyaasiyinta iyo cuqaal kaso jeedan Beelaha Uurmidig iyo Garre oo ah labada beel ee ugu tunka weyn Ceelwaaq.

Geesta kale Axmed aya la sheegay in Wasiirada u tageen uu u sheegay in marki Ceelwaaq doorashada aay ku qabsadan , 16ka Xildhibaan ee halkaas lagu doortay uu shahaadada siin doono Guddomiyaha Guddiga Doorashada FEIT Muuse Geele Yuusuf oo dhanka Madoobe iyo Deni taagersan.

Ad