Home Wararka Maanta Golaha Nabada iyo Amaanka Midowga Afrika oo Taageeray in Waqtiga Loo Kordhiyay...

Golaha Nabada iyo Amaanka Midowga Afrika oo Taageeray in Waqtiga Loo Kordhiyay AMISOM

0

Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ayaa  taageeray hawlgalka wadajirka ah ee Qaramada Midoobay ee hoos imaanaya Cutubka VII ee howlgalka nabad -ilaalinta Soomaaliya, sanadka soo socda.

Howlgalkan ayaa ah in wixii ka dambeeya 2021 howlgalka Amisom lagu wareegiyo Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay oo wadajir ah. Ama in Soomaaliya la geeyo ciidamada heeganka ah ee Bariga Afrika.

Qorshahan oo horey ugasoo baxay guddiga Qiimaynta Madaxa Bannaan ee Midowga Afrika, ayaa u baahnaan doona oggolaanshaha golaha ammaanka Qaramada Midoobay (UNSC), si loo ballaariyo  waddamada ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya.

Cutubka VII ee Axdiga Qaramada Midoobay wuxuu qeexayaa awoodda Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee ilaalinta nabadda.

Wuxuu u oggolaanayaa Golaha inay go’aamiyaan jiritaanka wax kasta oo khatar ku ah nabadda, jebinta nabadda, ama ficilogardaro ah iyo inay qaadaan tallaabo milatari iyo mid aan milatari ahayn si dib loogu soo celiyo nabadda iyo amniga caalamiga ah.

Ad
Previous articleC C Warsame ” waa in Taalo Naloo dhiisaa Hadii Lagu Guulaysto Kiiska Badda
Next articleRaisal Wasaaraha Sweden Stefan Löfven oo booqday Magaalada Malmö

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here