Home Wararka Maanta Golaha Ammaanka QM oo cunaqabatayntii hubka ka qaaday Somalia iyo Faaidada Soomaaliya...

Golaha Ammaanka QM oo cunaqabatayntii hubka ka qaaday Somalia iyo Faaidada Soomaaliya Ugu Jirta

0

Go’aanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa u codeeyay in cunaqabateynta hubka laga qaado Soomaaliya, kadib 31 sano oo dalkaan ay saareyd cunaqabateyntaas.

Go’aankaan waxaa uu muhimad weyn u leeyahay barnaamijyada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee sugidda amniga, xasilinta iyo xoojinta dowladnimada curdanka ah.

Haddaba faa’iidooyinka uu go’aankan la iman karo ayaa waxaa ka mid ah:

1- La-dagaalanka Argagaxisada iyo Sugidda Ammaanka:

Soomaaliya waxa ay la daalaa dhacaysay caqabado badan oo dhanka ammaanka ah oo ay ka mid yihiin joogitaanka kooxaha xagjirka ah, sida Al-Shabaab ee ku xiran shabakadda argagixisada caalamiga ah ee Al Qaacida.

Dowladda Soomaaliya waxa ay u baahan tahay in ay hesho hub iyo qalab casri ah, si ay si hufan ula dagaalanto khatarahaas oo ay u sugto ammaanka xudduudaheeda.

2- Difaaca Qaranka:

Qaadista cunaqabateynta hubka waxay dowladda Soomaaliya u sahlaysaa inay dhisto oo casriyeyso ciidamadeeda qalabka sida, taas oo sare u qaadaysa awoodda ay u leedahay inay difaacdo madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee dalka.

3- Dadaalka nabad ilaalinta iyo xasilinta:

Soomaaliya waxa ay diiradda saartay, hormuudna ka ahayd dadaallo badan oo nabad ilaalin iyo xasilineed oo ay wadajir uga shaqeynayeen Midowga Afrika iyo hay’adaha kale ee caalamiga ah.

Helitaanka hubka iyo qalabka ayaa muhiim u ah dowladda Soomaaliya si ay si hufan u gudato waajibaadkeeda sugidda amniga, isla markaana ay Ciidamada ATMIS ugala wareegto amniga guudee dalka.

4- Dhaqangelinta sharciga iyo xakameynta xuduudaha:

Dowladda Soomaaliya waxay u baahan tahay qaabkii ay ku qalabeyn lahayd hay’addeeda sharci fulinta iyo si ay xudduudaheeda uga ilaaliso ka ganacsiga hubka sharci darrada ah, argagixisada, iyo khataraha kale ee caalamiga ah.

5. Dawlad-dhisidda iyo dawladnimada:

Xoojinta awoodda dawladda Soomaaliya ee ku aaddan sugidda amniga waxay lagama maarmaan u tahay dadaalka ay ugu jirto hirgelinta maamul xasilloon, bixinta adeegyada bulshada, iyo horumarinta dhaqaalaha.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleBooliska Soomaaliya oo baafinaya dahab baadi ah oo ay Hayaan
Next articleXasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay in Soomaaliya Laga qaado Cunaqabataynta Hubka oo In Ka badan 30 sano Saarnaaa