Home Wararka Maanta Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo mar kale ka hadlay xaaladda ...

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo mar kale ka hadlay xaaladda magaalada Laascaanood oo Haatan Xasiloon

0

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa mar kale ka hadlay xaaladda cakiran ee magaalada Laascaanood, halkaas oo ay muddo sideed bilood ah ku dagaalamayeen ciidamada milatariga Somaliland iyo kuwa SSC-Khaatuma.

Warbixin kasoo baxday Golaha ayaa waxaa looga hadlay dagaalladii qararaa ee ka dhacay magaaladaasi, waxaana lagu sheegay in dambiyo dagaal laga gaystay Laascaanood.

Golaha Ammaanka ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in  loo gudbiyay shaqsiyaad mas’uuliyiin ah oo ku lug leh dagaalka dadka badan lagu dilay ee gobolka Sool, kuwaas oo lagu eedeeyay inay gaysteen dambiyo dagaal isla-markaana ay tahay in lagula xisaabtamo.

Sidoo kale Golaha ayaa shaaca ka qaaday in dadkaas la dhibaateeyay ay isugu jiraan dumar, carruur iyo dad da’ah, kuwaas oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday dagaallada.

Waxaa kale oo bayaankan lagu sheegay in duqeymo lala beegsaday xarunmaha bulshada, sida isbitaallada, goobaha waxbarshada, suuqyada iyo masaajidda ku yaalla magaalada.

Dhanka kale, Qaramada Midoobay ayaa dowladda federaalka, hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa samafalka ugu baaqday inay gargaar bani’aadanimo la gaaraan qoysaska barakacay oo haatan wajahaya dhibaato nololeed, maadaama ay lasoo darseen xaalado adag.

QM ayaa horay uga hadashay dagaallada Laascaanood, waxayna kasoo saartay baaqyo deg-deg ah, si xaaladda loo dajiyo, kadibna loo wada-hadalo, balse ma suuragelin, waxaana sii socday dagaallada tooska ah ee u dhexeeya labada dhinac.

Xaaladda magaalada Laascaanood ayaa muddooyinkii u dambeeyay dagnayed, inkastoo ay weli is horfadhiyaan ciidamada labada dhinac ee ku dagaalamay magaaladaasi.

Somaliland iyo SSC ayaa labaduba weli heegan ku jira, waxayna wadaan is uruursi ciidan oo laga dareemayo qaybo badan oo kamid ah gobolka Sool ee aqooyiga Soomaaliya.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleIsbitaalka ugu weyn Qasa oo qarka u saaran koronto la’aan iyo Masar oo codsi dirtay
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey Qarax ka Dhacay Magaalada Muqdisho