Home Wararka Maanta Golaha Amaanka Oo Shaaciyay Talaabada Laga Qaadayo Dadkii Ka Danbeeyay Qaraxyadii Zoobe

Golaha Amaanka Oo Shaaciyay Talaabada Laga Qaadayo Dadkii Ka Danbeeyay Qaraxyadii Zoobe

0

Golaha Ammaanka QM ayaa si xooggan u cambaareeyey qaraxyadii ay kooxda Al-Shabaab ka geysatay magaalada Muqdisho, 29-kii Oktoobar 2022, kuwaasi oo ay ku dhinteen ugu yaraan 120 qof, in ka badan 300 oo kalena ay ku dhaawacmeen.

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa sheegay sheegay in ay aad uga xun yihiin qaraxyadaas, islamarkaana ay tacsi u direen ehelada dadkii ku dhintay, shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyagoo u rajeeyay caafimaad deg deg ah kuwii ku dhaawacmay.

“Xubnaha Golaha Ammaanku waxay dib u xaqiijiyeen in argagixisadu nooc kasta iyo muuqaal kasta oo ay tahay ay ka dhigan tahay mid ka mid ah khataraha ugu daran ee nabadda iyo ammaanka caalamka. Waxa ay soo dhaweeyeen dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo taageero ka helaya Hawlgalka Kalaguurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ay kaga hortagayaan khatarta Al-Shabaab, waxayna ku booriyeen madaxda Soomaaliya in ay iska kaashadaan la dagaalanka Argagixisada,’ ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Golaha Ammaanka Talaadadii.

Bayaanka ayaa intaas ku daray “Xubnaha Golaha Ammaanku waxay hoosta ka xariiqeen baahida loo qabo in lala xisaabtamo dembiilayaasha, abaabulayaasha iyo maalgeliyayaasha falalkaas argagixisanimada ah ee foosha xun, lana horkeeno sharciga. Waxay ku booriyeen dhammaan Dawladaha, si waafaqsan waajibaadka ka saaran sharciga caalamiga ah iyo go’aamada Golaha Ammaanka ee khuseeya, inay si firfircoon ula shaqeeyaan dhammaan hay’adaha ay khusayso arrintan.”

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo guulaha amni ee laga gaaray Soomaaliya, waxayna ku dhiirigeliyeen Dowladaha xubnaha ka ah inay kordhiyaan taageerada ay siiyaan ATMIS, si ay ugu suurtagasho inay sii waddo inay si hufan u gudato waajibaadkeeda, iyo sidoo kale Ciidamada Amniga Soomaaliya, si loo taageero hirgelinta Qorshaha Kala-guurka Soomaaliya.

“Xubnaha Golaha Ammaanku waxay dib u xaqiijiyeen qadarinta ay u hayaan gobanimada, madaxbanaanida siyaasadeed, midnimada dhuleed iyo midnimada Soomaaliya,” ayaa lagu soo geba-gebeeyey bayaanka

Madaxweynaha Galmudug oo booqasho ku tagay xarunta Hay’adda SoDMA

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa maanta booqasho ku tegay xarunta dhexe ee Hay’adda SoDMA, waxaana xarunta ku soo dhaweeyay guddoomiyaha SoDMA Maxamuud Macalin Cabdulle. Madaxweynaha Galmudug

Caalamka:- Dowlada Sacudiga oo 14 Dal African ah ka joojisay Visa Cumrada

Maamulka sare ee Boqortooyada Sacuuduga, ayaa si KMG ah u hakiyay in viisooyinka cumrada, ganacsiga iyo booqashada qoysaska xilligan la siiyo dadka kasoo jeeda 14 dal , kuwaa oo kasoo

Donald Trump oo Shaaciyay Hadalo Hanjabaad ah oo ku socda Iiraan

Madaxweynaha dalka Mareykanka, Donald Trump, ayaa xalay shaaca ka qaaday in dowladda Iran diyaar u tahay in ay la galaan wadahadallo toos ah ay uga wada hadlayaan barnaamijka Nukliyeerka, inkastoo

Caalamka:- Microsoft oo shaqada ka joojisay gabar indhaha caalamka qabsatay

Gabar lagu magacaabo Ibtihal Abu Saad oo u dhalatay dalka Marooko oo u shaqeeysa shirkadda Microsoft, ayaa qabsatay indhaha caalamka, kaddib markii ku dhax mudaharaaday munaasabadda sannad-guurradii 50-aad ee shirkadda

Ex Madaxweyne Farmaajo oo ku baaqay in baaritaan lagu sameeyo Geerida Jeneraal Sheegow

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka inay baaritaan dhab ah ku sameeyso Geerida ku timid Jeneraal Sheegow oo in muddo ah u xirnaa Dowladda
Ad
Previous articleAl-Shabaab oo gaari iyo shaqaale kasoo afduubatay Gudaha Dalka Kenya
Next articleMette Frederiksen won the Danish election