Home Wararka Somaliya Golaha Amaanka oo ka shiray Xaalada Soomaaliya baaqna kasoo saaray muranka doorashada

Golaha Amaanka oo ka shiray Xaalada Soomaaliya baaqna kasoo saaray muranka doorashada

0

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo xalay kulan ka yeeshay xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya gaar ahaan muranka ka taagan doorashada ayaa ugu baaqay hogaamiyaasha Soomaaliya in wadahadal ku xaliyaan khilaafka taagan.

Bayaan kasoo baxay shirka golaha amaanka ayaa lagu soo dhaweeyay wadahadalada uu mar kale ku baaqay Madaxweyne Farmaajo in isagu yimaadaan Madaxda dowlada federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada.

Golaha amaanka ayaa sidoo kale ugu baaqay hogaamiyaasha Soomaalida in ay isugu yimaadaan shir looga hadlayo muranka doorashada ka taagan si xal deg deg ah uga gaaraan qabsoomida doorasho raali laga yahay.

Bayaanka ay golaha amaanka soo saareen ayaa loogu soo jeediyay hogaamiyaasha Soomaalida in ay gaaraan heshiis la isku raacsan yahay oo ku saabsan qaban qaabada doorashooyin loo dhan yahay sida ugu dhaqsiyaha badan loo qabto.

Golaha amaanka Bayaanka ay soo saareen ayaa kusoo aadaya xili uu dhawaan fashilmay shir Madaxda Dowlada federaalka iyo kuwa maamulada ku yeesheen Dhuusomareeb sidoo kale Farmaajo shir kale iclaamiyay in 15-ka bishan la isugu yimaado.

Ad
Previous articlePuntland oo war kasoo saartay Shirka uu Madaxweyne Farmaajo ku baaqay ee Garoowe
Next articleMareykanka oo walaac ka muujiyay muranka kajira doorashada Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here