Home Wararka Maanta Go’aan Culus oo kasoo Baxay Shir ay Villa Soomaaliya Soo Qabanqaabisay oo...

Go’aan Culus oo kasoo Baxay Shir ay Villa Soomaaliya Soo Qabanqaabisay oo Shalay Muqdisho ka Furmay(Sawiro)

0

Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyey shir socday labo maalmood oo looga hadlayey maamulka iyo xakamaynta hubka iyo rasaasta, waxaana shirkaas soo agaasimay xafiiska amniga Qaranka ee Madaxtooyada Soomaaliya.

Shirka ayaa u dhexeeyey masuuliyiin ka kala socotay dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo saaxiibada Soomaaliya ka taageera dhanka amniga.

“Shirka ayaa labadii maalmood ee uu socday waxaa diiradda lagu saaray dardar gelinta qorshaha Qaran ee Maamulka Hubka iyo Rasaasta, tirakoobka,  diiwaan gelinta, calaamadinta iyo xakamaynta hubta yaalla dalka, iyo qorsheyaasha hortebinta iyo mudnaanta u leh Soomaaliya labada sano ee soo socota,” ayaa lagu yiri qoraal laga soo saaray gabagabadii shirkaas.

Shirka ayaa waxaa ka soo baxay qodobo ay ka mid yihiin:

1 – Dardar gelinta iyo ballaarinta dadaallada socda ee lagu calaamadeynayo, laguna diiwaan gelinayo kaydka hubka ee ku jira gacmaha hay’adaha amniga dalka ee heer federaal iyo heer dowlad goboleed.

2 – Qiimaynta awooda kaydinta hubka ee hadda jirta, si loo qeexo baahiyaha dhiman.

3 – Saamaynta istaraatiijiyad qaran iyo shuruuc lagu xakamaynayo hubka sharci darrada ah, kiimikooyinka iyo walxaha Qarxa, si loo dhimo khatarta ka imaanaysa ururrada argagixisada ah.

4 – Dejinta jaangooyooyin cadcad oo lagu xaqiijinayo qaadista cunaqabaynta hubka ee saaran Soomaaliya.

“Dhammaan Masuuliyiinta kalmadaha ka jeediyey Shirka ayaa soo bandhigay  sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay Xakamaynta Hubka iyo Raasaasta, iyada oo  dadaal badan lagu bixiyey arrintaas, sidoo kale waxa ay hoosta ka xarriiqeen muhiimadda ay Soomaaliya u leedahay in laga qaado cunaqabaynta hubka, si loo xaqiijiyo himilooyinka qaran ee ay ugu horreeyaan xasilinta dalka iyo ka guulaysiga ururrada argagixisada ah,” ayaa lagu qoraalka.

Masuuliyiintii iyo wakiilladii metelayey heerarka kala duwan ee dowladda federaalka ayaa soo bandhigay qorsheyaasha mudnaanta iyo hor tebinta u leh Soomaaliya labada sano ee soo socota, iyadoo dhanka kale ay danjireyaasha caalamka ee Soomaaliya ee ka soo qayb galay shirkaas ay soo dhoweeyeen qorsheyaasha iyo soodeejintii siyaasiyiinta Soomaaliya.

Shirkaan oo maanta lasoo gabagabeeyey waxaa ka qayb galay wasiirka caddaaladda Xasan Xuseen Xaaji, Wasiir Ku-xigeenka Gaashaandhigga Cabdifataax Qaasim Maxamuud, Taliya Ciidanka Xoogga Dalka S/Guuto Odowaa Yuusuf Raage, Hay’adaha Qaabbilsan Amniga Dalka, Masuuliyiin ka socday Madaxtooyada iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, wakiillo ka socday dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, iyo danjireyaasha dalalka Maraykanka, Turkiga iyo Ingiriiska.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleSafiirka Soomaaliya u Fadhiya Maraykanka oo Sheegay inay Ka Go’antahay Hal Arin
Next articleDad badan oo Ku dhintay Weerar lagu Qaaday Xaflad Ugaas Cusub lagu Caleemo Saaraayay