General Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha-Cade) ayaa ka hadlay dib u dhaca hareeyay arrimaha doorashada iyo abaabul ciidan oo uu sheegay inuu ka socdo magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho.
Indha Cade oo kamid ah saraakiisha ciidanka Badbaado Qaran ayaa sheegay in dhameystirka doorashada ay u xayiran tahay oo kaliya kuraasta taala magaalada Garbahaareey, isagoo madaxweyne Farmaajo ku tilmaamat shaqsi qabyaaladdu ay ku weyn tahay, sida uu hadalka u yiri.
“Farmaajo hadii uu madaxweyne Qaran yahay 16-ka kursi ee Gedo kuma dhageen, ma aha madaxweyne Soomaaliyeed waa qabyaaladiste. Kama baqeyno oo runta ka xishoon meyno, saddex sano ayaa la taliye u ahaa waxa uu yahay oo uu ka shaqeeyo ayaa ognahay.” ayuu yiri.
Ad