Maxkamad ku taal magaalada Malegaon ee gobolka Maharashtra ee dalka Hindiya ayaa eedaysane ku amartay in uu si joogto ah u tukado shan jeer maalintii muddo 21-ka maalmood ee soo socda si loogu ciqaabo garaacis iyo dagaal uu sameeyay.
Xukunka garsoore Tejwant Singh Sindhu ayaa sidoo kale ku amray 30-jirkan eedaysanaha Rauf Umar Khan inuu labo geed ku beero masaajid u dhow si looga dhaafo dembigiisa isla markaana uu daryeelo labada geed.
Qaadiga maxkamada ayaa ninkan ku helay dembi ah inuu nin ku dhaawacay dagaal gacan ka hadal ah oo waddada ka dhacay.
Garsooraha maxkamadda ayaa amar ku bixiyay in sarkaal beeralayda degmada ah uu la socdo u hoggaansanaanta amarka maxkamadda wuxuuna u oggolaaday inay adeegsadaan ciidan boolis haddii loo baahdo si ay u fuliyaan amarka.
Eedeysanaha ayaa maxkamadda ka hor sheegay inuu yahay nin danyar ah, isla markaana uu mas’uul ka yahay nolosha qoyskiisa.
‘Sharciga tijaabinta dambiilayaasha’ ayaa u oggolaanaya maxkamadda in ay sii deyso dambiilaha ka dib digniin ku filan si uusan eedaysanuhu mar kale dembi u gelin.
Haddaba kiiskan wuxuu garsooruhu arkay ‘sida ay aniga ila tahay, bixinta digniin ku filan waa inuu qofku fahmo in uu dembiga galay, oo eedaysanaha dembiga galay xasuusto ai anu dib u sameyn dembigan oo kale.’
Maxkamadda oo sii hadlaysa ayaa sheegtay in eedeysanaha uu qirtay in uu yahay nin cibaado badan, ayna waajib ku tahay inuu tukado salaadda, balse waqti la’aan awgeed uu awoodi waayay inuu tukado.
Saas darteed, qaadigu wuxuu yiri ‘waxaa nala haboonaatay in la sii daayo isaga oo shardi looga dhigayo in uu tukado shanta salaadood sida, Fajar, duhu, Casar, Maghrib iyo Cisha si xirrir ah 21 maalmood oo berri ka bilaabanaysa.’
Dagaalka iyo garaacista ayaa dhacday bishii April 2010 markii Rauf Khan autorickshaw uu ku jiiray mooto meel taalay, ka dib markii uu muran dhex maray ninkii mootada lahaa. Booliska ayaa ku eedeeyay Rauf Khan in uu caayay oo garaacay qofka cabanayay, isaga oo dhaawac u geystay.
Kiiska ayaa laga diiwaan galiyay Rauf Khan oo degan Malegaon, sida hoos timaada qaybaha sharciga ee 323 (ciqaabta dhaawaca), 325 (sababta dhaawac aad u daran), 504 (aflagaado ula kac ah) iyo 506 (cabsigelin dembi) ee Xeerka Ciqaabta Hindiya. Balse waxaa lagu waayay dhammaan eedeymaha marka laga reebo qeybta 323 ee ah dhaawac.
Dacwad oogaha guud ee maxkamadda Nasreen Memon ayaa sheegay in ra’yigiisa, garsooruhu uu go’aankan siiyay aragtida dhaqan celinta eedaysanaha.
Waxa uu yidhi “Waxay ila tahay in garsoorayaashu ay eegaan xaaladda (dhaqaale) ee eedaysanaha, garsooruhu waxa uu qabay aragti ah in haddii loo xidho dembi yar oo intaa le’eg, ay u badan tahay in uu noqon doono dambiile weyn.
Waxay sheegtay in laga yaabo in go’aankan la siiyay rajo ah ‘in uusan sameyn doonin tallaabo qaldan tan ka dib (go’aanka dhaqan celinta) oo uu fiicnaan doono. Sida aan qabo, xukunkan waxaa loogu dhawaaqay sixiddiisa.