Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Garoon Diyaaradeed oo laga dhisayo degmo ay Go’doomiyeen Al Shabaab (Sawirro)

Garoon Diyaaradeed oo laga dhisayo degmo ay Go’doomiyeen Al Shabaab (Sawirro)

0

Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo Madaxweyne Ku Xigeenka maamulka Mudane Yuusuf Axmed Hagar ayaa maanta Degmada Maxaas ka dhagax dhigay garoon diyaaradeed oo halkaas laga hirgalin doono.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa sheegay in dhismaha garoonkan uu muhiim u yahay bulshada degmada Maxaas, waxa uuna ugu baaqay dhamaan shacabka degmada inay u istaagaan dhismaha garoonkan.

Degmada Maxaas oo kamid ah deegaanada ay Al Shabaab go’doomiyeen ayaan laheyn wax garoon diyaaradeed ah, waxaana bulshada ku dhaqan deegaankaasi baahi weyn u qabaan helida garoon iyo in waddooyinka xiran loo furo.

Garoonkan diyaaradeed ay dhagax dhigeen madaxda ugu sareysa maamulka Hirshabelle ayaan sidoo kale la ogeyn in hirgalintiisa ka dhabeyn doonaan, waxaana waxba laga qaban mashaariic dhoor ah oo madaxdan horey u dhagax dhigeen.

Ad
Previous articleMagacyada iyo Sawirada qaar kamid ah dadkii ku dhintay Weerarkii Hotelka Xayaat oo la Shaaciyay
Next articleMuwaadin Soomaaliyeed oo 27 sano Dalka ka Maqnaa oo 3 Maalin Joogay oo ka Mid noqday Dadka ku Geeriyooday Hotel Xayaat

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here