Home Wararka Maanta Garaadyadii Ku Shirsanaa Magaalada Laasacaanood oo Ka Hadlay Go.aankii Dowlada Federalka Kaso...

Garaadyadii Ku Shirsanaa Magaalada Laasacaanood oo Ka Hadlay Go.aankii Dowlada Federalka Kaso baxay ee Dagaalka Laasacaanood

0

Isimada gobolka Sool iyo qaybo kamid ah Sanaag iyo Cayn ee shirka uga socday magaalada Laascaanood ayaa si weyn usoo dhaweeyay go’aanka dowladda federaalka ay kasoo saartay xiisada isku rogtay dagaalka.

Afhayeenka Isimada ayaa dowlada federaalka Soomaaliya uga mahad-celiyay taageerada ay u muujisay qodobadii dhawaan kasoo baxay shirka garaadada ee magaalada Laascaanood.

“Aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay in ay dowladu soo dhawaysay go’aamadii kasoo baxay shirkii garaadada SSC, waanu taageerayna waxaanu leenahay waad mahadsan tihiin, madaxweynaha, wasiirka arrimaha guddaha iyo dhamaan xukumada arrinta waa ku bogaadinaynaa”

Sidoo kale waxay ku eedeeyeen ciidamada Somaliland in ay dagaal kusoo qaadeen magaalada Laascaanood, iyaga oo madaafiic ku gaaracay, sida ay sheegeen.

Waxa kale oo ay sheegeen in madaafiicda Somaliland ay ku dhaceen goobo dad rayid ah dagan yihiin, halka qaarkoodna ay ku dhaceen isbitaalka Laascaanood.

Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Muuse Biixi ayaa dhankeeda sheegtay in ciidamada taabacsan garaadada ku sugan Laascaanood, ciidamo Puntland ka yimid iyo kooxo argagixiso ah ay weerar kusoo qaadeen fadhiisimada ciidamada, islamarkaana ay is-difaaceyso.

Dowladda federaalka Soomaaliya oo saaka markii u horeysay ka hadashay dagaalka Laascaanood ayaa sheegtay inay aad uga xun tahay dagaalada ka socdo halkaasi, kuwaas oo sababay dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed.

War-saxaafadeed kasoo baxay dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in uu xil ka saaran yahay ilaalinta midnimada dhuleed iyo tan badeed Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

“Dowladda Soomaaliya waxaa xil ka saaraan yahay ilaalinta mabaadi’da dastuuriga ah ee dhowrista midimada dhuleed iyo tan dadeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxayna dawladdu ayadoo ka duulayso mabda’aas soo dhowaynaysaa rabitaanka iyo go’aanada dadka reer Laascaanod” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka dowladda.

Dowladda federaalka ayaa sidoo kale xustay inay so dhaweyneyso go’aanka kasoo baxay Isimada SSC iyo sidoo kale rabitaanka reer Laascaanood oo shalay ku dhawaaqay inay hoostagayaan dowladda federaalka, isla-markaana aysan kasii mid ahaaneyn Somaliland.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo isaguna isla maanta ka hadlay xiisada dagaal ee Laascaanood ayaa sheegay in arrinta ay tahay mid siyaasadeed, xalkeedana ay tahay lagu raadiyo deganaan iyo wadahadal.

“Rabitaanka dadka hala ixtiraamo qorayga hala dhigo, xabadda hala joojiyo miiska hala’isku yimaado oo hala wada-hadlo,” ayuu yiri madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa waxa uu ku baaqay in la sameeyo xabad joojin, kadibna labada dhinac ay isugu yimaadaan miiska wada-hadalka, si xal looga gaaro xaaladda Laascaanood.

Waxa kale oo uu farriin u diray odayaasha dhaqanka ee maamulkaasi, isaga oo ka dalbaday inay qaataan doorkooda ku aadan sidii loo qaboojin lahaa xiisaddaasi siyaasadeed.

Madaxweyne Xasan Shiikh oo safar shaqo ugu ambabaxay dalka Turkiga

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa safar shaqo ugu ambabaxay dalka Turkiga, kadib casuumaad uu ka helay dhiggiisa Madaxwaynaha Turkiga Rajab Dayib Erdogaan, sida lagu sheegay

Duulaan ka Dhacay Duleedka Xudur oo Khasaaro lagu Gaarsiiyay Kooxda Shabaab

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, gaar ahaan Taliska guutada 9-aad ayaa guulo ka sheegtay dagaal ka dhacay deegaanka Abagbeeday oo qiyaas ahaan 20 KM dhanka bari kaga beegan degmada Xudur ee

Xamsa Cabdi Barre oo Shacabka ugu Baaqay in loo Midoobe Dagaalka Shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in dalka uu ka socdo dagaal adag oo lagula jiro Kooxda Al shabaab uu tilmaamay in yihiin kuwa kasoo horjeeda nabadda iyo

Xasan Shiikh oo dib ugu laabtay Gobolka Shabeellaha Dhexe si uu u xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maalmahaan kusugnaa Caasimadda Muqdisho ayaa maanta dib ugu laabtay deegaanada uu ka socdo abaabulka howlgallada ka dhanka ah KooxdaAl shabaab. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa

Ilhaan Cumar oo ka hadashey Qorshe looga Tarxiilayo Dalka Mareykanka

Xildhibaan Ilhaan Cumar, oo ka tirsan Koongaraska Maraykanka, ayaa sharci-darro ku tilmaantay olole ay wadaan qaar ka mid ah xisbiga Jamhuuriga iyo ganacsadaha Elon Musk, kaasi oo lagu doonayo in
Ad
Previous articleBeesha caalamka oo war ka soo saartay dagaalka Laascaanood
Next articleCiyaaryahan Caan ah oo laga soo saaray burburka Dhismo ku dumay Dhulgariirkii Turkiga