Home Wararka Maanta Garaadada Laascaanood oo Diiday Dalab ugu Yimid Dowlada Itoobiya

Garaadada Laascaanood oo Diiday Dalab ugu Yimid Dowlada Itoobiya

0

Duqeyn ayaa maanta laga maqlayay qeybo kamid ah magaalada Laasacaanood oo maalmihii la soo dhaafay aanu ka dhicin dagaal toos ah.

Dhanka kale waxaa soo baxay warar sheegaya in Dowladda Itoobiya ay magaalada Addis Ababa ugu yeertay labada dhinac ee dagaallamaya Isimada iyo Somaliland si xabbad joojin looga gaaro dagaalka.

Afhayeenka isimada, Garaad Cabdisalaan Xasan Maxamed oo Warbaahinta u warramay ayaa sheegay in baaqa Itoobiya ay ka jawaabi waayeen, maadaama sida uu sheegay ay magaalada weli ku socoto duqeynta.

Somaliland ayaan dhankeeda weli ka hadlin kulanka la doonayo inuu ka dhaco Addis Ababa.

Garaad Cabdisalaan ayaa Somaliland ku eedeeyay inay sii waddo duqeymaha lagu hayo magaalada isla markaana aysan jirin wax waan waan ah oo lagu xallinayo dhibaatada ka taagan Laascaanood.

“Wax waan waan ah ma jirto, dhibaatadana ma fududa, maalmahan bey ugu daran tahay, wax korodhay oo dhibaata ah ma ahane ma jiraan wax waan waan ah ama xabad joojin ah”.

Afahayeenka garaaddada Somaliland ayaa sidoo kale ka dhawaajiyay in looga yeeray Itoobiya si ay wadahadalka uga qeyb galaan balse aysan ka bixin magaalada maadamaa ay rasaasta socoto.

“Waa jirtaa in nalala soo xiriiyay oo nagula yiri Itoobiya imaada, jawi aan ku imaanno meesha ma yaallo, sababta oo ah duqeyntii baa socota, waddooyinkii aan soo mari laheyn baa naga xiran, ceelkii biyaha laga cabayay baa la heystaa, xabbaddu wey socotaa, jawi aan ku baxno ama meel aan ku aadno ma jiraan, Itoobiya waxaan ka codsannay inay gaarsiiyaan bal in la helo jawi aan ku wadahadli karno ama ninkan meesha looga bixin karo”.

Waxay shuruud uga dhigeen in wadahadallada ay diyaar u yihiin balse ay tahay in ciidamada Somaliland ay halkaa isaga baxaan.

“Jawiga anaga naguma xirno iyaguu ku xiran yahay, marka hore waa in dadka xabbadda laga daayo -wadahadalka xabbad joojin baa ka horreysaa, Itoobiya wuxuu u sheegay in uu ka durgay magaalada oo 30km ka fogaaday magaalada oo aan xabbad iyo dhibaato jirin arrintaas ma jirto”.

Dowladda Itoobiya ayaa dhawaan billowday dhexdhexaadinta Soomaliland iyo odayaasha dhaqanka ee deegaannada SSC, si loo soo afjaro colaadda halkaa muddaba ka taagan.

Waxay sidoo kale magaalada Garowe ku yeesheen Isimada Laasacaanood iyo wefdi ka socda Itoobiya oo ka shaqeynayay in la joojiyo colaadda ka socota magaaladdaas.

Afhayeenka isimada, Garaad Cabdisalaan Xasan Maxamed ayaa shuruud ku xiray wadahadallada uu sheegay inay ka qeybgeli doonaan oo kaliya ah marka Somaliland ay isaga harto mowqifkeeda ah in colaadda ay tahay arrin daakhili ah.

“Shalay wuxuu ka hadlay Hargeysa wuxuu sheegay dadka la dhexdhexaadinaya waa dhibaato Somaliland gudaheed ka dhacday… isagoo aaminsan in Somaliland dhib dhexdeeda ka dhacay la dhexdhexaadinayo in aan hor fariisanno ma rabno”

“Ma diidi karno, ma aanan diidin dowladda Itoobiya waan uga mahadcelineynaa waa dowlad aan deris nahay oo u aragta dhibaatada na heysta in wax laga qabto, diidda ma aha waa inaan helnaa jawi aan kusoo bixi karno, dowladda Itoobiya wey ogtahay in duqeynta socoto”. ayuu yiri Garaad Cabdisalaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo shalay ka hadlayay xaaladda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa sheegay inuu mudnaanta koowaad uu siinayo sidii nabad waarta looga gaari lahaa colaadda ka taagan halkaas.

“Qodobka koowaad ee aan mudnaanta siinayo maanta waa dhibaatada ka jirta gobolka Sool, oo ahayd mid aanan filaynin, arrinta ugu horreysa waa inaan si nabad ah u xalinno xaaladda Laascaanood, dowlad ahaan marwalba waxaan ku dhawaaqaynay xabad joojin iyo in shuruud la’aan la joojiyo dagaalka,” ayuu yiri madaxweyne Muuse Biixi.

Muuse Biixi ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay soo dhaweeyaan cid walba oo kala shaqaynaysa nabadda gobolka Sool, isaga oo ka digay gacmaha “shisheeye” ee faraha kula jira xaaladda golbolkaas

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa

Dagaal Dhexmara Itoobiya iyo Ereteriya oo laga Cabsi Qabo Inuu Qarxo

Waxaa laga cabsi qabaa in dagaal cusub uu ka dhex qarxo dowladaha Ereteriya iyo Itoobiya, kuwaasoo maalmihii u dambeeyay ciidamo ku daabulayay deegannada u dhow xadka ay wadaagaan. Madaxweyne ku

Warar laga helayo Dagaalo ka dhacay Deegaano Hoostaga Galmudug Sida Ceelhuur

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo Xalay ka dhacay deegaanka Biyo cadle oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud. Dagaalka ayaa ahaa mid

Xamse oo booqday ciidamada Dowladda iyo kuwa degaanka ee ku dhaawacmay dagaalka lagula jiro Al shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa xalay ku booqday isbitaalada Xooga dalka iyo isbitaalka Erdogan dhaawacyada Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka ee ay waxyeelladu ka soo gaartay dagaalka lagula

Xubno sare oo ka tirsan Al shabaab oo lagu dilay Duqeymo ka dhacday Gobolka Shabeellaha Dhexe

War saxaafadeed kasoo baxay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka ay fuliyeen howlgal duqeyn ah oo si gaar ah loo qorsheeyay, kaas oo lagu
Ad
Previous articlePuntland ooo si Cad u SHeegtay inaysan Doonayn in Soomaaliya Daynta Laga Cafiyo
Next articleShirka Golaha Wadatashiga Qaran oo goordhaw furmay iyo Qodobada looga hadlayo (Sawirro)