Home Wararka Maanta Garaad Jaamac: “Dowladda Soomaaliya ha caddeyso mowqifkeeda Laascaanood”

Garaad Jaamac: “Dowladda Soomaaliya ha caddeyso mowqifkeeda Laascaanood”

0

Garaad Jaamac Garaad Cali, oo ka mid ah madax dhaqameedka deegaannada SSC, ayaa sheegay in dadka deegaannadaas lagu qasbay colaadda halkaa ka jirta muddaba ee kala dhaxeysa Jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland. Wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay saarantahay mas’uuliyadda la xiriirta tillaabo ka qaadista arrimahaan. Garaad Jaamac ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Soomaaliya ay rabto waaa sida uu hadalka u dhigaye in ay “wada raali geliso” labada dhinac ee Laascaanood ku dagaallamaya.

“Cidda ay mas’uuliyaddan saarantahay ee aad mooddo weli in kii dulmiga waday iyo kii la dulminayay ay isleedahay wada raali gali waa dowladda Soomaaliya,” ayuu yiri Garaad Jaamac Garaad Cali oo u warramayay mid ka mid ah boggaga Facebook.

Wuxuu ugu baaqay madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, inuu caddeeyo mowqifkiisa dhabta ah ee ku aaddan xaalka Laascaanood, maadama uu yahay madaxweynaha dalka.

Wuxuu intaa ku daray Garaadku in dowladda federaalka Soomaaliya, laga doonayo in iyaga iyo Somaliland ay u sheegto cidda gardaran, isagoo muujiyay in aysan jirin wax la dabooli karo oo arrimahaan ku gedaaman.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleWararkii ugu dambeyay duqeymaha Israa’iil ee Qaza
Next articleCiidamada Israa’iil oo isaga baxay Daanta Galbeed