Home Wararka Maanta Gantaal kusoo Dhacay Dalka Masar iyo Israail oo Ka Hadashay Gantaalkaas khasaaraha...

Gantaal kusoo Dhacay Dalka Masar iyo Israail oo Ka Hadashay Gantaalkaas khasaaraha Gaystay

0

Warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegtay in ugu yaraan lix qof ay ku dhaawacmeen kaddib markii gantaal ku dhacay magaalada loo tamashlaha tago ee Taba ee Masar oo u dhow xuduudda Israa’iil.

TV-ga Masar ayaa sheegay in lix qof ay ku dhaawacmeen sidoo kalena dhismo ku dhowaa uu burbur soo gaaray. Goob jooge ayaa ku waramay inuu maqlay qarax ka dibna uu ka dhashay qiiq xoogan iyo boor.

Milateriga Israa’iil ayaa sheegay inay ka war hayeen wararkaas balse dhacdadan ay ahayd mid ka baxsan xudduudahooda.

Dhinaca kale, Siddeed baabuur oo kale oo gargaar ah ayaa la filayaa inay maanta u gudbaan Gaza sida uu sheegay sarkaal ka tirsan Qaramada Midoobay

“Waxaan ku qaadnay ku dhawaad 74 baabuur. Waxaan filaynaa siddeed kale ama wax ka badan maanta,” Lynn Hastings, Isuduwaha Hawlaha Bani’aadamnimada ee Qaramada Midoobay ee dhulalka Falastiin ee la haysto, ayaa u sheegay saxafiyiinta Geneva.

Ad
Previous articleSaciid Cabdullaahi Deni oo si adag uga hadlay arrinta lagula kacay Xildhibaan Marwo Cabdi Bashiir Xaaji Cali Salaad
Next articleDuqaymo Culus oo lagu Qaaday Iiraan iyo Dagaalka Gaza oo wadamo Cusub Saameeyey

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here