Home Wararka Maanta Ganacsiyada iyo Goobaha Shaqada Muqdisho oo aan Beri Shaqayn Doonin ogoow Sababta

Ganacsiyada iyo Goobaha Shaqada Muqdisho oo aan Beri Shaqayn Doonin ogoow Sababta

0

Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa sheegay in dowladda federaalka ay ka jawaabtay dalabkii shacabka, ayna ayiday in beri oo Khamiis ah la qabtao dibad-bax ka dhan ah dowladda Itoobiya, kadib xadgudubkii ay u gaysatay qaranimada Soomaaliya.

Fiqi ayaa sheegay in heshiiska lagu gaaray Addis Ababab loogu saxiixay Abiy Axmed meeshii ugu muhiimsanayd ee badda Soomaaliya, ayna tahay xadgudub weyn.

“Hadda meesha loo saxiixay waxay tahay meesha ugu istaraatiijisan badda Soomaaliya waa dhuuntii badweynta  oo u bucda u ahayd oo hunguri u ahayd Soomaaliya” ayuu yiri Fiqi.

Sidoo kale wuxuu wasiirku intaasi kusii daray “Taasi waxay ka dhigan tahay xagdub qaranimada Soomaaliya iyo madax bannaanideeda”.

Wasiirka ayaa xusay in bannaan-baxa beri dhici doona uu yahay mid aad u ballaaran, ayna ka qayb-galayaan reer Muqdisho iyo madaxda Soomaaliyeed.

Axmed Macallin Fiqi ayaa sidoo kale ku dhowaaqay in la xiri doono goobaha waxbarashada iyo ganacsiga, si loo muujiyo cududa shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaan rabaa inaan soo dhaweeyo shacabka magaalada Muqdisho oo ku dhowaaqay banaanbax maalinka Khamiista ah in la’isugu soo baxo dhammaan jidadka waa weyn shaqooyinka la joojiyo, ganacsiga la xiro, la’iskuna soo baxo” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Horay reer Muqdisho ayaa u dhigay dibad-bax ay ku diideen heshiiska badda ee Somaliland iyo Itoobiya, kaas oo uu soo qaban qaabiyay maamulk gobolka Banaadir.
Ad
Previous articleWararkii ugu Danbeeyey War cusub oo kasoo kordhay mooshinkii laga gudbiyay heshiisyadii Itoobiya iyo Imaaraadka
Next articleWar Deg Deg ah: Diyaarad Hub iyo Daawo u Siday Wisil oo Gacanta u gashay Alshabaab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here